4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 13, 2021
Madaxweynaha Somaliland oo maxaabiis cafis u fidiyay fadliga bisha Radamadan awgeed
 

Talaado, April, 13, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa cafis u fidiyay 484 maxbuus oo ah kuwa danbiyada fudud galay, oo ku xidhan xabsiyada Somaliland.

Warsaxafadeed kasoo baxday xafiiska afhayeenka madaxweynaha Somaliland, ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu uu go’aansaday in uu cafiyo maxabiista danbiyada fudud ku xukuman oo dhan 484 bisha Ramadan awgeed.

Warsaxafadeedka ayaa lagu yidhi “cafiskani samayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaya sida ku xusan qodobka 92 ee xeerka ciqaabta guud”.

Waxa cafiskan fulinaya sida warsaxafadeedka lagu sheegay xafiiska xeer ilaaliyaha guud Somaliland.

Cafisyada noocan ah ayuu madaxweynaha Somaliland sameeya sanadwalba marka la gaadho curashada bisha barakaysan ee Ramadan.


Cabdilaahi Cabdiraxmaan Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]