4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 13, 2021
Puntland oo soo bandhigtay ciidamo iyo saraakiil ay sheegtay in ay kasoo goosteen dowladda federalka Soomaaliya
 

Talaado, April, 13, 2021 (HOL) - Puntland ayaa maanta magaalada Gaalkacyo kusoo bandhigtay ciidamo iyo saraakiil kasoo goostay dowladda federalka gaar ahaan ciidamada Gorgor iyo Haramcad ee sida gaarka ah u tababaran.

Wasiirka amniga Puntland Cabdisamad Gallan ayaa sheegay ciidamadan in ay yihiin ciidamo lagusoo tababaray dalka Turkiga, kuwaas oo uu sheegay in ay dowladda federalka kala kulmeen faquuq.

Saraakiil u hadlay ciidamadan ayaa sheegay in ay qeyb ka ahaayeen 140 askari oo Puntland ka tagay kuna biiray ciidamada dowladda, balse sheegay in soo laabashadoodii loola dhaqmay si aan wanaag sanayn.

Masuuliyinta Puntland ma aysan caddayn nuuca faquuq ee ay la kulmeen ciidamadan iyo taliska ay ka howlgali jireen.

Somaliland ayaa sidaan oo kale dhawaan sheegtay in ciidamo katirsan Haramcad iyo Gorgor oo kasoo jeeda deegaanadooda ay kasoo goosteen Muqdisho kana dageen magaalada Hargeysa.

Goosashada ciidamo dowladda federalka, waxay loo arkaa in ay qeyb tahay khilaafka siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya, iyadoo xusid mudan tahay, in golaha midowga musharrixiinta ay ugu baaqeen ciidamada in aysan u dagaalamin dowlad waqtigeeda dhamaaday.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online