Hiiraan Online
3/29/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Isniin, Apr 12, 2021
Xildhibaan Sadiiq Warfa oo boqol ruux gaarsiiyay deeq Raashin ah
Axad, April, 11, 2021 (HOL) - Xafiiska U-Adeega Bulshada ee Xildhibaan Sadiq Xirsi Warfa ee ku yaala degmada Galdogob ayaa maanta u qaybiyay raashin loogu talagalay afurka bisha Ramadaan iyo biyo dhaamin Boqol iyo toban qoys oo kamid ah dadka danyarta ah ee ku dhaqan degmada Galdogob ee gobolka Mudug.
Gurmadkan oo ahaa mid ka yimid Xildhibaan Sadiq Xirsi Warfa oo ay fulinaysay hay’adda Samafalka ee Warfa Foundation waxaa ka hadlay Guddoomiyaha Xafiiska U-Adeega Bulshada Nabadoon Axmed Deeq Cabdicasiis Karani oo sheegay in Xafiiska U-Adeega Bulshada uu sanad walba ka qaybqaato caawinta danyarta ee Deegaanka. Waxa uuna Ugu baaqday Umadda Soomaaliyeed in Bishan Barakaysan ee Ramadan la caawiyo Masaakiinta.
Ugu dambayn waxaa munaasabada ka hadlay Sheekh Ahmed Xasan Ciise (Sheekh Axmed Shaakir) oo xasuusiyay Camalka ugu Wanaagsan in uu yahay midka la joogteeyo, kulankana ahaa Ramadaankii 5aad ee uu ka qaybgalo ayna hay’adda Samafalka Warfa Foundation gaarsiinaysay Sanadwalba Deeq Raashin iyo Biyo Dhaamin Dadka danyarta ee Deegaanka. Sheekh Axmed Waxa uu ugu baaqay Umadda Islaamka Cabuqa Covid 19 iyo Bisha Ramadan in la xasuusto Danyarta.
Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online
[email protected]
Aqalka Sare oo kasoo horjeestay muddo kordhinta loo sameeyay Madaxweyne Farmaajo
4/12/2021 3:44 PM EST
Isniin, April, 12, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ayaa si adag uga soo horjeestay go'aankii Golaha Shacabka aay labo sano oo muddo kordhin ugu sameyeen madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Oomaar: Suuragal iima aha xilligan inaan qabto shaqada muhiimka ah ee la ii magacaabay
4/12/2021 1:30 PM EST
Axad, April, 11, 2021 (HOL) - Wasiirkii hore ee Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar oo shalay loo magacaabay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa ka cududaartay xilkaa.
Guddoomiyaha shirkada WorldRemit oo faah-faahin ka bixiyay maalgalinta uu ku samaynayo Somaliland
4/12/2021 1:16 PM EST
Axad, April, 11, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha shirkada WorldRemit Ismaaciil Ibraahim Axmed, ayaa waraysi uu siiyay VOA Somali ku faah-faahiyay qaab ka uu u ekaanayo maal gashiga uu ku samaynayo Somaliland, kana hadlay Sahamiye foundation iyo Daaris.
Jabuuti oo Somaliland ugu deeqday nus-milyan xabo oo afsaab-yo ah (Facemasks)
4/12/2021 11:33 AM EST
Axad, April, 11, 2021 (HOL) - Diyaarad sida nus-milyan xabo oo afsaab-yo ah, oo uu madaxweynaha Jabuuti ugu deeqay Somaliland, ayaa soo gaadhay caasimada Hargaysa.
Somaliland oo go’aan ka soo saartay qaabka loo tukanayo salaada taraawiixda bisha Ramadan
4/12/2021 10:43 AM EST
Axad, April, 11, 2021 (HOL)- Wasaarada diinta iyo awqaafta Somaliland, ayaa ku dhawaaqday in salaada taraawiixda guryaha lagu tukan doono xaalada caabuqa Covid-19 darteed.
Madaxweyne Farmaajo oo soo dhoweeyay sharciga jihaynta doorashooyinka Soomaaliya
4/12/2021 10:02 AM EST
Isniin April. 12, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Sharciga golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ka soo saareen jiheynta doorashooyinka.
Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay in muddo labo sano ah lagu soo diyaariyo doorasho qof iyo cod ah
4/12/2021 9:45 AM EST
Isniin, April, 12, 2021 (HOL) -Baarlamaanka Golaha Shacabka ayaa goor isku raacay shirciga jiheynta doorashooyinka Qaranka iyaga oo ansixiyay in muddo Labo sano ah lagu soo diyaariyo doorasho qof iyo cod ah.
Somaliland: Banaan-baxyo ka socda magaalada Burco ee gobolka Togdheer
4/12/2021 7:53 AM EST
Isniin, April, 12, 2021 (HOL) - Dadweyne ka cadhaysan xadhiga Jaamac Maxamuud Adan (Gen: Dollaal), oo maxkamada millateriga Somaliland shalay ku riday xukun 2 sano oo xabsi ah, ayaa iskugu soo baxay wadooyinka waaweyn ee magaalada Burco.
Kalfadhigii barlamaanka Soomaaliya oo furmay iyo xildhibaano horgeeyay mooshin
4/12/2021 7:31 AM EST
Isniin April. 12, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya, Maxamed Cabdiraxmaan Mursal ayaa furay fadhi uu barlamaanka kaga dooddayo mooshin ku saabsan arrimaha doorashooynka oo ay soo diyaariyeen xildhibaano.
Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya oo xilkii ka qaaday taliyihii ciidanka booliiska gobolka Banaadir
4/12/2021 5:00 AM EST
Isniin April. 12, 2021 (HOL) - Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Gen Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa goor dhowayd xilkii ka qaaday Taliyihii Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan (Saadaq John).
Taliyaha ciiddanka bilayska gobolka Banaadir oo joojiyay kulankii uu barlamaanku kaga dooddi lahaa arrimaha doorashada
4/12/2021 4:47 AM EST
Isniin April. 12, 2021 (HOL) - Taliyaha ciiddanka bilayska gobolka Banaadir, Saadiq Joon ayaa joojiyay kulankii ay maanta yeelan lahaayeen barlamaanka Soomaaliya oo ka doodi lahaa arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.
Shariif Sheekh Axmed '' Waxaan ka digeynaa muddo kordhin aan sharci aheyn
4/12/2021 1:08 AM EST
Isniin April. 12, 2021 (HOL) - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay ka digayaan muddo kordhin aan sharci aheyn iyadoo wali ay socdaan wada hadalladii doorashada.
Amaanka Muqdisho oo la adkeeyay iyo Baarlamaanka oo maanta kulmaya
4/12/2021 12:53 AM EST
Isniin April. 12, 2021 (HOL) - Ciidamo dheeraad ah ayaa la soo dhigay dhamaanba jidadka soo gala xarunta madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo maanta oo Isniin ah lagu waddo in xildhibaannada Baarlamaanka fadhi ku yeeshaan xaruntooda Villa Hargeysa
Somali News
Somali parliament extends president Farmaajo for two more years
-
HOL
4/12/2021 10:00 AM EST
MOGADISHU (HOL) - Somali President Mohamed Farmaajo got two more years in office today following the endorsement of a unilateral resolution by the country's Lower House. The parliament's decision almost certainly kills any negotiated settlement to the electoral crisis that has gripped Somalia for months.
Banaadir police chief Sadak John fired shortly after ‘directing’ parliament to end business
-
HOL
4/12/2021 5:04 AM EST
MOGADISHU (HOL) - Somali Police Commissioner Gen. Abdi Hassan Mohamed Hijar has fired Banaadir Regional police chief Sadak Omar Hassan shortly after he issued controversial orders warning parliament against conducting further business.
Banaadir Police boss ‘orders’ parliament to stay home, says mandate over
-
HOL
4/12/2021 4:36 AM EST
Mogadishu (HOL) - A parliamentary session in Somalia's capital Mogadishu was derailed on Monday after a police commander announced that he was suspending the meeting.
Somalia receives China-donated Sinopharm vaccines
-
Xinhua
4/12/2021 3:46 AM EST
Somalia on Sunday received 200,000 doses of Sinopharm vaccine donated by China to boost the war against COVID-19 pandemic in the Horn of African State.
Three killed, NPR officer injured in fresh clashes along Garissa-Isiolo border
-
The Standard
4/12/2021 2:42 AM EST
Three people have been killed and a police reservist seriously injured in fresh attacks along the Isiolo-Garissa border.
Security tightened in Mogadishu as lawmakers discuss electoral crisis
-
HOL
4/12/2021 2:01 AM EST
Mogadishu (HOL) - Security in Mogadishu has been tightened on Monday morning, with additional troops being deployed on all main roads in the city. The security build-up comes as federal lawmakers are expected to convene a parliamentary session to discuss the electoral crisis.
Egypt, Sudan reject Ethiopian proposal for data sharing on Renaissance dam
-
Reuters
4/12/2021 12:50 AM EST
CAIRO (Reuters) - Egypt and Sudan on Saturday rejected an Ethiopian proposal to share data on the operations of its giant hydropower dam on the Blue Nile after negotiations between the three countries in Kinshasa this week ended without progress.
Somalia: 116,000 displaced amid 'worsening' drought
-
AA
4/12/2021 12:30 AM EST
Most parts of country are facing critical water shortages amid severe drought in over 50 districts, says statement
Somalia: ‘Prioritize the national interest’ international partners urge, as political stalemate continues
-
UN News
4/12/2021 12:26 AM EST
The UN and international partners working to support a lasting peace and democratic election process across Somalia, said on Sunday that they were highly concerned by the current situation there, calling on Somali leaders to “prioritize the national interest” and resolve their political impasse.