4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 12, 2021
Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya oo xilkii ka qaaday taliyihii ciidanka booliiska gobolka Banaadir
 

Isniin April. 12, 2021 (HOL) - Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Gen Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa goor dhowayd xilkii ka qaaday Taliyihii Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan (Saadaq John).

Waxaa xilka Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir loo magaacabay Gaashaanle Dhexe Farxaan Maxamed Aadan (Farxaan Qaroole) oo loo dallacsiiyey Derejada Gaashaanle Sare.

Farxaan Qaroole waxa uu ahaa taliyaha booliiska Haramcad.

Xil ka qaadista taliye Saaqaq John ayaa ku timid kadib markii uu awood ciidan ku joojiyay kulankii uu maanta yeelan lahaa barlamaanka oo ka dooddi lahaa mooshin ku saabsan doorashada.

Saadaq John wuxuu sheegay in ay barlamaanka ka hor istaageen in ay kulan yeeshaan, balse, saraakiil ka tirsan ciiddanka booliiska ayaa sheegay in barlamaanku shaqadiisu caadi u wato.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online