4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 12, 2021
Taliyaha ciiddanka bilayska gobolka Banaadir oo joojiyay kulankii uu barlamaanku kaga dooddi lahaa arrimaha doorashada
 

Isniin April. 12, 2021 (HOL) - Taliyaha ciiddanka bilayska gobolka Banaadir, Saadiq Joon ayaa joojiyay kulankii ay maanta yeelan lahaayeen barlamaanka Soomaaliya oo ka doodi lahaa arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

Taliyaha ciiddanka booliiska ayaa sheegay sababta ay u joojiyeen kulanka barlamaanka in ay tahay sidii ay uga hortagi lahaayeen in barlamaanku boobo doorashada ama uu qaato go’aan muddo kororsi ah.

Taliye Saadaq Joon wuxuu sheegay in xildhibaanada barlamaanka aysan lahayn wax sharciyad ah oo ay kaga dooddaan arrimaha doorashada, isagoo u adeegsaday erey bixin ah” Xallaal ma tihiin”  

Wuxuu sheegay taliyaha ciiddanka booliisku in aysan aqbalayn in xoog wax lagu maquuniyo islamarkaana loo baahan yahay in Isfahan siyaasaddeed laga gaaro arrimaha doorashada.

Lama oga in taliyaha ciiddanka booliiska ay amarkaan la qabaan saraakiisha ka sareysa, balse warar soo baxaya ayaa sheegaya in taliye Joon xil ka qaadis lagu samayn rabo uuna jiro khilaaf u dhexeeya isaga iyo masuuliyiinta ka sareysa sida taliyaha ciiddanka booliiska Soomaaliya.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online