4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 11, 2021
Baarlamaanka Soomaaliya oo berito kulan ka yeelanaya Mooshin ku saabsan Doorashooyinka Qaranka
 

Axad, April, 11, 2021 (HOL) - Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maalinta berito ah aay yeeshaan kulan gaar ah oo xasaasi ah.

Kulanka Golaha Shacabka ee maalinta berito oo Isniin ah aay yeelan doonaan ayaa la sheegay iney uga hadli doonaan arrimo ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka Soomaaliya iyo khilaafka daba dheeraaday ee dhinacyada Siyaasadda.

Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa loo diray fariimo sheegaya in berito uu jiro kulan gaar ah oo Ajandahiisa lagu sheegay inuu yahay ka doodista Mooshin ku saabsan doorashooyinka Qaranka, iyadoona lagu wargeliyay Xildhibaanada iney soo xaadiraan 09:00 Subaxnimo.
 
Warar isisoo tarayo ayaa sheegaya in Mooshinka laga doodidoono uu salka ku hayo muddo kororsi la rabo in laba sanno (2) loogu daro Madaxweynaha xilligiisii dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Ciidamo badan ayaa lagu arkayaa xaafadaha ku dhadhaw xaruunta Golaha Shacabka.

Kulanka Baarlamaanka Soomaaliya ee maalinta berito ah  ayaa imaanaya xili xaalada siyaasadeed ee dalka Soomaaliya aay tahay mid cakiran oo aay walaac xoogan ka muujinayaan dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]