4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 11, 2021
Madaxweyne Biixi “Waxay yidhaahdeen arrinta Muqdisho cidkale kama hadli karto”
 

Axad, April, 11, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay shirka madaxda Soomaaliya, ayaa sheegay in madaxda Soomaaliya ay cid khaasa uun u ogolyihiin in ay ka hadasho arrinta Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu layaaban yahay in madaxda Soomaaliya ay raadiyaan Somaliland, iyagoo aan Muqdisho oo ah caasimadii dalka u ogolayn in dhamaan umadu arrinteed ka hadasho.

“Waxan la yaabanahay siyaasiyiinta maanta ee yidhi arrinta Xamar waxa ka hadli kara oo qudha Dhuusa mareeb, Jawhar  iyo Banaadir, oo cidkale kama hadli karto” ayuu yidhi madaxweynuhu.

“Ee hadana leh Somaliland halaysku yimaado oo Soomaali way midoobaysa labadaasi labo is qabanaya maaha” ayuu madaxweynuhu hadalkiisa sii raaciyay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in hadii madaxda Soomaaliya ay isku mashquuliyaan Somaliland anay taasi  keenayn isku soo dhawaansho kala fogaansho mooyee.

 Cabdilaahi Cabdiraxmaan Maxamed, Hiiraanonline
[email protected]