4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 10, 2021
Faahfaahino dheeraad ah oo kasoo baxaya qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Baydhabo
 

Sabti, April, 10, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in halkaasi goordhaw uu ka dhacay qarax ismiidaamin ah oo aad u xoogan kaasoo jugtiisa laga maqlay guud ahaan xaafadaha magaalada Baydhabo.

Qaraxan ayaa ahaa mid ismiidaamin ah waxaana fuliyay qof isku soo xiray Jaakada waxyaabaha qarxa waxuuna ka dhacay goob maqaayad ah oo uu fadhiyay guddoomiyaha gobolka Baay ee maamulka Koonfur Galbeed Cali Wardheere Cabdiraxmaan inkastoo uu ka badbaaday weerarkaasi lala damacsana in lagu khaarajiyo.

Khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawacba leh ayaa ka dhashay qaraxa ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay magaalada Baydhabo.

Afhayeenka Booliiska Soomaaliya Sadiiq Aadan ayaa shaaciyay in qaraxa maanta aay ku dhinteen laba ruux oo shacab ah 5 qof oo kalana aay ku dhaawacmeen, uuna ka badbaaday qaraxa guddoomiye Wardheere.

Ciidamo ka tirsan Booliiska maamulka Koonfur Galbeed ayaa gaaray goobta qaraxa uu ka dhacay kuwaas oo baaritaano kawada goobta uu qaraxa ka dhacay iyo nawaxigeeda.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]