3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 27, 2020
Dooni ay la socdeen muhaajiriin Soomaali ah oo ku degtay xeebaha Libya
 

Axad, September 27, 2020 (HOL) - Illaa 22 muhaajiriin ah oo ay ku jiraan Soomaali ayaa ku guuleystey in ay badbaadaan markii doon ay la socdeen oo dooneysay in ay gaarto Yurub ay ku qarqantay badda Mediterranean-ka ee ka baxsan xeebta Libya, sida ay sheegtay Jimciyadda Caalamiga ah ee Socdaalka.

Kalluumeysatada Liibiya ayaa arkay doon degtay gelinkii dambe ee maalintii Khamiistii todobaadkii hore, waxayna ku guuleysteen inay 22 qof ka soo saarto biyaha.

Muhaajiriintaan ayaa ka kala yimid Masar, Bangaladesh, Suuriya, Soomaaliya iyo Ghana.

Doonida ku degtay xeebta Liibiya ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 16 muhaajiriin ah, waxaana maydkooda la helay saddex qof oo ay ku jirto haweenay Suuriyaan ah.

Ugu yaraan 13 kale oo muhaajiriin ah ayaa weli la’yahay iyadoo loo maleynayo in ay ku hafteen biyaha, sida ay sheegtay hay’adda socdaalka adduunka ee IOM.

Ilaalada Xeebaha Liibiya ayaa ka digay in tirada dhimashadu ay sii kororto maadaama kooxaha baadi goobka ay baarayaan aagga shilku ka dhacay si ay u helaan dhibanayaal badan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
9/27/2020 12:56 PM EST
Axad, September 27, 2020 (HOL) - Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Yamamoto iyo Wasiirka Maaliyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Beileh ayaa kala saxiixday heshiis labo geesood ah oo ku saabsan yareynta deynta ay Dowladda Soomaaliya ku leeyihiin seddex hay’adood oo ka tirsan dowladda Mareykanka.

9/27/2020 11:12 AM EST
Axad, September 27, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa balan qaaday dhismaha Buundooyin burbursan oo muhiim ah in la dayactiro kuwaas oo ku yaala waddada laamiga ah gaar ahaan Buundooyinka Beergidiid iyo Saalax Jeere oo dhinaca waqooyi ee Baledweyne uga beegan ilaa 28KM.

9/27/2020 8:52 AM EST
Axad, September 27, 2020 (HOL) -Sida ay tilmaamayaan wararka laga helayo Gedo ayaa waxay sheegayaan in illaa 15 deegaan oo ku yaalla Gobolkaas ay ka maqantahay is-gaarsiinta, waxaana sidoo kale xayiran adeegga lacagaha la isugu diro ee EVC oo ay bixiso shirkadda Hormuud.

9/27/2020 8:47 AM EST
Axad, September 27, 2020 (HOL) - Kulan ujeedkiisu ahaa sidii loo dar-dar gelin lahaa howlaha shaqo ee horyaalla Baarlamanka Golaha shacabka ee Soomaaliya ayaa waxaa magaalada Muqdisho ku yeeshay Guddiga joogtada ah ee Aqalka hoose ee Baarlamanka.

9/27/2020 8:42 AM EST
Axad, September 27, 2020 (HOL) - Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo maanta la wareegay xafiiska , kadib dhowr maalin ka hor markii uu helay codka kalsoonida ee Golaha Shacabka ayaa waxa uu sheegay inuu wax badan ka qaban doono tacaddiyada loo geysto dumarka iyo carruurta.

9/27/2020 8:11 AM EST
Axad, September 27, 2020 (HOL) - Waxaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee Caasimadda dowlad goboleedka Hirshabelle guddiga farsamadda soo xulista Baarlamaanka Labaad ee maamulka Hirshabelle.

9/27/2020 3:20 AM EST
Axad, September 27, 2020 (HOL) - Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xilka kala wareegaya Mahdi Maxamed Guuleed oo xilkaan si kulmeel gaar ah u hayay tan iyo markii xilka laga tuuray raysal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre.

9/27/2020 12:22 AM EST
Axad, September 27, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay qirtay in ay dowladdiisa ka gaabisay wadahadalka lagu jiro Somaliland kadib markii ay baaqdeen kulamadii lagu ballansanaa dalka Jabuuti.