3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 24, 2020
Beesha caalamka oo soo dhoweysay kalsooni siinta raysal wasaaraha cusub ee Soomaaliya
 

Khamiis, September 24, 2020 (HOL) - Qaramada Midoobay (UN) iyo beesha caalamka ayaa ku amaanay baarlamaanka federaalka ansixinta ra'iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya ee dhowaan la magacaabay.

In ka badan 200 xildhibaan ayaa cod gacan taag ah ugu codeeyay in raysal wasaaraha lasiiyo codka xasaanada.

Qaramada Midoobay waxay Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya, u rajeysay guul madaama uu xilka la wareegayo xilli xasaasi ah oo uu dalku isku diyaarinayo doorashooyin qaran.

Waxay sheegtay qaramada midoobay inay taageeradeeda ku bixinayso isku duubnida iyo iskaashiga dowladnimada Soomaaliya.

Raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa laga sugayaa muddo kooban gudaheed inuu kusoo magacaabo xukuumad yato leh oo talada kala wareegta xukuumada raysal wasaaarihii hore ee Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
10/8/2020 9:46 AM EST
Hab Dhaqanka Wiishka

9/24/2020 6:16 AM EST
Khamiis, September 24, 2020 (HOL) - Taliyaha cusub ee ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ka howl-gala Diomede Ndegeya ayaa waxa uu booqday fadhiga Ciidamada midowga Afrika ay ku leeyihiin magaalada Baydhaba, waxa uuna ku amaanayay howsha ay ka hayaan deegannadaas.

9/24/2020 6:12 AM EST
Khamiis, September 24, 2020 (HOL) - Ra’iisul wasaarahii hore ee Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxa uu usoo jeediyay ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble in uusan soo magacaabin gole wasiirro oo cusub, taas bedelkdeeda uu lasii shaqeeyo wasiirrada sida gaarsiinta ah hadda ku shaqeeya.

9/24/2020 6:08 AM EST
Khamiis, September 24, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka Soomaaliya Xaliimo Ismaaciil ayaa waxay magaalada Muqdisho kulan kula yeelatay safiirka dalka Sweden u jooga Soomaaliya danjire Staffan Tillander, waxa ayna ka wada hadleen xaaladda dalka Soomaaliya iyo doorashooyinka.

9/24/2020 6:05 AM EST
Khamiis, September 24, 2020 (HOL) - Waxaa goor u dhow uu kulan usoo dhammaaday ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo siyaasiga mucaaradka Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warame, kulanka ayaa ka dhacay madaxtooyada Soomaaliya, iyagoo ka wada-hadlay xaaladda siyaasadda Soomaaliya iyo sidii doorashadu ay wakhtigeeda ugu dhici laheyd.

9/24/2020 1:24 AM EST
Khamiis, September 24, 2020 (HOL) - Maxkamad kutaala magaalada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe oo ay maamusho Al-Shabaab ayaa xukun dil ah ku fulisay nin lagu eedeeyay inuu sixiroole ahaa.

9/24/2020 12:56 AM EST
Khamiis, September 24, 2020 (HOL) - Qaramada Midoobay ayaa bilowday ololaha tallaalka cudurka dabaysha oo lagu bartilmaameedsanayo 1.65 milyan oo caruur ah oo da'doodu ka yar tahay shan sano.