4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 22, 2020
18 Askari oo katirsan Al-shabaab oo lagu dilay dagaallo ka dhacay koonfurta Dhuusomareeb
 

Talaado, September 22, 2020 (HOL) - Taliyaha Qaybta 21-aad General Cabdicasiis Cabdullaahi (Qooje) ayaa sheegay inay ciidamada xoogga dalka ay 18 kamid ah kooxda Al-shabaab ku dileen dagaallo ka dhacay Deegaano koonfur kaga beegan magaalada Dhuusamareeb.

Taliyaha qeybta 21-aad oo shir jaraa’id ku qabtay degaanka Bulacle oo kamid ah degaanadii dagaalladu ka dhaceen ayaa sidoo kale sheegay inay ciidamadu furteen hub iyo saanad milatari oo Al-shabaab lahaayeen.

Goobaha ay ciidamadu la wareegeen ayuu taliyuhu sheegay inay Al-shabaab ku dhibaatayn jireen dadka shacabka ah ee xoola dhaqatada ah, isagoo sheegay inay ka qaadi jireen lacago sharci daro ah, carruurtana ka kaxaysan jireen.

Taliyuhu ma sheegin khasaaraha ciidamada kasoo gaaray dagaalladii lagu qabsaday degaanada uu carrabaabay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]