4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 14, 2020
Nin ku eedeysan inuu Al-shabaab la shaqeynayay oo la hor keenay maxkamadda ciidamada
 

Isniin, September 14, 2020 (HOL) - Waxaa maanta Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya kasoo hor muuqday nin ku eedeysan in uu la shaqeynayay Al-shabaab,  islamarkaana dacwad oogista ay ku sheegeen inuu maleegayay qorshe lagu dhibaateynayay ciidamada dowladda ee ka howl-gala Beled Xaawo.   

Eedeysanaha oo lagu magacaabo Farxaan Maxamuud Xasan ayaa waxaa la sheegay inuu horay Al-shabaab ugasoo goostay,  balse waxay xeer-ilaalintu qeexeen in isi soo dhiibistiisu aheyd inuu dhibaateeyo ciidamada,  mabda'iisiina uu weli aaminsanyahay sida Maxkamadda uu ka hor sheegay  xeer ilaaliye  Cabdullaahi Buulle Kameey.

"Waxaan maxkamadda ka codsanayaa in lagu qaado ciqaab u dhiganta dembigiisa' ayuu mar kale xeer ilaaliye Kameey ka hor sheegay garsoorka maxkamadda.


Ugu dembeyn waxaa dhageysiga kiiska soo xeray garyaqaan Xasan Cali Nuur Shuute oo sheegay in maxkamadda ay go'aan kasoo saari doonto.

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada ayaa ku sugan magaalada Beled Xaawo  Gobolka Gedo,  iyadoo maalmihii ugu dembeysay halkaas ku qaadeysay kiisas dhowr ah.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]