3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 12, 2020
Ehelka gabadh lagu dilay Muqdisho oo sheegay "in dilka ka hor la kufsaday"
 

Sabti, September 12, 2020 (HOL) - Qoyska gabadh ay ehelkeedu sheegeen in la kufsaday, kadibna lagasoo tuuray dabaq dheer oo ku yaalla degmada Waaberi, una geeriyootay falkaas ayaa waxay ka codsadeen dowladda in lasoo qabto dadkii ficilkaas ka dembeeyay.

Gabadha dhimatay oo da'deeda lagu sheegay 20 sano jir,  ayaa waxay kamid aheyd ardayda sanadkaan u fadhiisatay imtixaankii dugsiga sare ee dowladdu qaadday.

Gacal Xuseen oo ah abtigeed ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada dembi baarista booliska Soomaaliyeed ay u sheegeen qoyskooda in gabadha la kufsaday,  kadibna lagasoo tuuray dabaqa.

Ma cadda in gabadha markii hore la dilay,  kadibna lasoo tuuray,  waxaan isku daynay inaan la xiriirno laammaha baarista kiiskaan iyo maamulka cisbitaalka Madiina oo meydka gabadha la geeyay si aan tafaasiil dheeraad ah uga helno,  balse inooma suura-gelin.

Gabadha dhimatay oo lagu magacaabi jiray Xamdi Maxamed Faarax ayaa waxa uu qaar kamid ah waalidkeed ay ku noolyihiin Galgaduud,  waxayna Muqdisho u joogtay waxbarasho,  sida HOL ay u sheegeen ehelkeeda.

Soomaaliya waxaa sanadihii ugu dembeeyay aad ugusoo badanayay falalka kufsiga iyo dilka isugu jira oo loo geysanayay dumarka,  laakiin arrintaan ayaa walaac badan ku abuureysa dadka ku nool caasimadda Soomaaliya.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
9/12/2020 3:08 PM EST
Sabti, September 12, 2020 (HOL) - Ra'iisul wasaarahii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ku dhawaaqay inuu yahay musharrax u taagan xilka ugu sarreeya ee madaxtinimada Soomaaliya.

9/12/2020 11:42 AM EST
Sabti, September 12, 2020 (HOL) - Ciidamada booliska Soomaaliya ayaa war qoraal ay soo saareen dhowaan waxay ku sheegeen iney gacanta ku dhigeen 4 ruux oo tuhmanayaal ah oo loo haaysto dil iyo kufsi la sheegay in loo geystay gabar lagu magacaabi jiray Xamdi Maxamed Faarax oo Ciidamadu ay sheegeen iney 19 sano jirtay.

9/12/2020 7:04 AM EST
Sabti, September 12, 2020 (HOL) - Ugandha ayaa dib u bilawday isku beddelka ciidamadeeda nabad ilaalinta ee militariga ayaa sheegay.

9/12/2020 2:09 AM EST
Sabti, September 12, 2020 (HOL) - Askari katirsan ciiddanka daraawiishta Puntland, ayaa magaalada Gaalkacyo ku dilay saddex qof oo shacab ah kadibna baxsaday, sida uu sheegay gudoomiyaha gobolka Mudug, Cabdiladiif Muuse Nuur Yare.

9/12/2020 2:00 AM EST
Sabti, September 12, 2020 (HOL) - Booliska Kenya ayaa xaqiijiyay in seddex ka tirsan Al-Shabaab geeriyoodeen afar kalena dhaawacmeen khamiistii, iyagoo iskudayay inay weeraro jid gal ah ka geystaan degmada Gaarisa ee ku dhow xadka Soomaaliya.

9/12/2020 1:54 AM EST
Sabti, September 12, 2020 (HOL) - Gabadh dhimirka ka xanuunsanaysa oo 16 jir ah ayaa kufsi wadareed loogu kufsaday magaalada Garowe ee caasimadda maamulka Puntland, sida ay sheegtay hooyada dhashay oo saxaafadda la hadashay.