3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 10, 2020
Jubaland oo sheegtay in arrinta Gobolka Gedo ay muhiim tahay in xal loo helo
 

Khamiis, September 10, 2020 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya iyo wada-hadallada u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada, gaar ahaan shirka la filayo inuu madaxweynaha maamulkaas uga qeyb-galo Muqdisho.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa waxa uu hadal ujeediyay Golaha wasiirrada ee maamulkaas,  wuxuuna sheegay in ajendayaasha Jubaland uu qeyb ka yahay arrimaha Gobolka Gedo.

Dhinaca kale,  kulanka arrimaha wasiirrada ee Jubaland ay ku yeesheen Kismaayo ayaa looga hadlay arrimaha ammaanka iyo waxyaabo badan oo ay qeyb ka tahay arrimaha siyaasadda.

Hadalka Madaxweyne ku xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa kusoo aadaya xilli magaalada Muqdisho uu dhowaan ka furmayo madaxda maamul goboleedyada dalka,  maamulka Gobolka Banaadir iyo dowladda Faderaalka ah ee Soomaaliya.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
9/10/2020 2:02 PM EST
Khamiis, September 10, 2020 (HOL) - Wararka laga helayo dhowr degmo oo ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan iney hoobiyayaal kusoo dhaceen, welina lamasoo sheegin wax khasaaro ah.

9/10/2020 12:16 PM EST
Khamiis, September 10, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan qado sharaf ah ku maamuusay Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo si wada jir ah uga qeyb gali doona Shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada.

9/10/2020 10:09 AM EST
Khamiis, September 10, 2020 (HOL) - Waxaa maanta aan ka furmin magaalada Muqdisho shirkii Madaxda maamul goboleedyada, Gobolka Banaadir iyo madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya, waxaana lagu waday in la billaabo ka haddalka marxaladda Soomaaliya, gaar ahaan xaaladda kala guurka ah iyo sida loo qabanayo doorasho wakhtigeeda ku dhacda.

9/10/2020 9:46 AM EST
Khamiis, September 10, 2020 (HOL) - Inta la xaqiijiyay laba qof ayaa ku dhimatay qarax miino oo ka dhacay maqaaxi ku taalla magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

9/10/2020 4:31 AM EST
Khamiis, September 10, 2020 (HOL) - Hay'adda gargaarka bani'aadamnimada ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dhaqaale yarida sii socoto ay caqabad ku tahay wax u qabashada nafaha lagu badbaadiyo ee daadadka ka socda Soomaaliya.

9/10/2020 2:52 AM EST
Khamiis, September 10, 2020 (HOL) - Shirka madaxda dawladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa maanta la filayaa inuu Muqdisho ka furmo, iyadoo shalay galab magaalada Muqdisho soo gaareen madaxweynayaasha Hirshabeelle, Koonfur galbeed iyo Galmudug.

9/10/2020 2:40 AM EST
Khamiis, September 10, 2020 (HOL) - Abaanduulaha cusub ee ciidamada howlgalka midowga Africa ee AMISOM, Lt Gen Diomede Ndegeya ayaa booqashadiisii ugu horeysay ku tagey qeybta 1-aad oo ay ka howlgalaan ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya.