3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 27, 2020
Maxay caruurteenu ugu dhintaan daawada xad dhaafka ah

 

Talaado, October, 27, 2020 (HOL) Kulan looga hadlayay dhalinyarada isticmaasha daawada xad dhaafka ah (Overdose) ayaa lagu qabtay magaalada Columbus Ohio Maanta, waxaana soo abaabulay qaar kamid ah waalidiinta magaalada gaar ahaan Ramlo Jama oo ah Hooyo Caruur  koox ah ugu dhalatay Mareykanka isla markaana ka damqatay dhibaatada haysata dhalinyarada.

Bishii la soo dhaafay oo kaliya sadex dhalinyaro Soomaali ah ayaa u dhimatay isticmaalka daawadaa xad fhaafka ah halka kuwo kale ay la ildaranyihiin dhibaatada ka soo gaartay.

Inakasta oo lagu jiro xili adag oo dadku ka wal walsanyihiin Coronavirus, hadana kulankan waxaa qeyb ka ahaa waalidiin haween u baddan iyo dhalinyaro, waxaa dhankooda ka qeyb qaadanayay xubno ka socday Hay'adaha caafiaadka Columbus Ohio.

Waxaa lagu soo bandhigay Sheekooyin xanuun baddan iyo Taariikho mugdi galiyay qoysas badan oo xubno qoysaskooda ka tirsanaa ay ku waayeen isticmaalka Overdoseka. 

Dhibaatada haysata qoysaska Soomaaliyeed ee qurbaha waxaa qeybta ugu daran hogaamiya is fahmi waaga dhaqanka ee waalidiinta iyo Ubadkooda, mahan wax sahlan in waalid Soomaaliyeed uu soo dhaweysto Wiilkiisa Ama Gabadhiisa oo isticmaashay Daroogo waana sababaha sii fogeeya Ilmaha.

Waaxda caafimaadka ayaa Tibaaxday in dhalinyarada u dhexeeysa 16 ilaa 24 gabi ahaan dalka Mareykanka ay halis ugu jiraan isticmaalka daawada xad dhaafka ah, waana cabsi la soo daristay qoys walba.

Muhiimada kulanka ayaa ahaa waalidiinta gaar ahaan Hooyooyinka iyo Ilmaha in laga dhex abuuro is faham sababi kara in ilmaha aysan sii fogaan oo hadii qalad lagu arko la soo dhaweeyo si dagan oo naxariis ku jirtana looga saaro, waana mid ku adag waalidiinta Soomaalida oo dhaqan ahaan Canaan iyo qeylo Ilmaha ku wajaha waana horseedka in ilmuhu guryahooda ka yaacaan una galaan kuwo aan ka naxayn.

Kulmada Noocan ah ayaa lagu balamay in la sii wado tan iyo inta xal laga gaarayo.

Deeeqo Shire (SONNA)
Columbus Ohio
 













Click here
11/2/2020 10:59 AM EST
Sida loo dhaqdo gacmahaaga. Sida habboon waa illaa 20 daqiiqo iyo Ku nadiifinta gacmaha nadiifiyaha gacmaha

10/27/2020 5:33 PM EST
Talaado, October, 27, 2020 (HOL) - Liiska xildhibaanada Barlamaanka labaad ee Hirshabeelle ayaa goor dhowayd looga dhawaaqay magaalada Jowhar, halkaas oo waayahaan dambe ay ka socotay soo xulistooda.

10/27/2020 2:43 PM EST
Talaado, October, 27, 2020 (HOL) - Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan caruurta ee UNICEF ayaa cambaareysay dil maanta magaalada Muqdisho loogu gaystay laba ka mid ah shaqaalaheeda gargaarka bani’aadannimo.

10/27/2020 1:54 PM EST
Talaado, October, 27, 2020 (HOL)-Hay'adda Culimada Soomaaliyeed ayaa siweyn uga hortimid hadalkii dhanka ahaa Nabbi Maxamed NNKH, waxaana ay hay'addu ku tilmaamtay hadalkaasi in uu ahaa ;duulaan qaawan oo lagu soo qaaday Diinta Islaamka.

10/27/2020 11:03 AM EST
Talaado, October, 27, 2020 (HOL) - Xulka kubada cagta gobolka Sool ayaa u anbabaxay magaalada Hargeysa si ay uga qayb galaan tartanka ciyaara gobolada oo bilaabmi 28 bishan sida uu sheegay Maxmuud Askar isuduwaha Ciyaaraha.

10/27/2020 10:24 AM EST
Talaado, October, 27, 2020 (HOL)- Wasiirka cusub ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa maanta xilka kala wareegay wasiirkii hore ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Sadiq Xirsi Warfa.

10/27/2020 8:30 AM EST
Talaado, October, 27, 2020 (HOL) - Maxkamad Milateri oo ku taal Puntland ayaa laba nin ku xukuntay dil toogasho ah halka mid kalena ku xukuntay 20 sano oo xabsi ah, kadib markii lagu helay inay ka tirsan yihiin Daacish iyo al-Shabaab.

10/27/2020 8:16 AM EST
Talaado, October, 27, 2020 (HOL)- Wasaarradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in marka la eego gudaha dalka Soomaaliya ay kordhayaan dadka laga helayo caabuqa cudurka Coronavirus oo ah cudur dhibaato ba’an ku haya guud ahaan caalamka.

10/27/2020 7:52 AM EST
Talaado, October, 27, 2020 (HOL)- Degmada Kaxda ayaa wararka ka imanaya waxaa ay sheegayaa in kooxo hubeysan ay toogasho ku dileen guddoomiye waaxeed iyo gabar la sheegay in ay ka shaqeyneysay howlaha caafimaadka gaar ahaan ka wacyigalinta dadka cudurka Covid-19.

10/27/2020 5:41 AM EST
Talaado, October, 27, 2020 (HOL) -Xarunta dowlad gobolleedka Galmudug ee Dhuusa-Mareeb waxaa gaaray wakiilka Qarramada Midoobey ee Soomaaliya James swan iyo wafdi uu horkacyo.

10/27/2020 2:48 AM EST
Talaado, October, 27, 2020 (HOL) - Midowga Afrika iyo midowga Yurub oo yeeshay kulankooda sanadlaha ah ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo madax-bannaanida Soomaaliya, madax-bannaanideeda siyaasadeed iyo madax-bannaanida dhuleed.

10/27/2020 2:19 AM EST
Talaado, October, 27, 2020 (HOL) - Hay'adda Sirdoonka Soomaaliya ee Nisa ayaa ku eedeeysay, Booliska, Kastamka iyo Wasaarada Maaliyada in ay sabab u yihiin in Al-shabaab Walxaha qarxo kala soo dagaan dekada iyo Canshuurta ay ka helaan dekeda.

10/27/2020 1:46 AM EST
Sabti, October, 24, 2020 (HOL)- 20 ayaa ku darsantay inta u dhintay COVID-19 ee reer Minnesota.

10/27/2020 1:01 AM EST
Talaado, October, 27, 2020 (HOL)- Warka soo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in shaqaalaha dowladda maalinta Khamiista ah loo fasaxay xuska dhalashada Nabbigeena Maxamed NNKH.

10/27/2020 12:39 AM EST
Talaado, October, 27, 2020 (HOL)- Iyadoo uu sii xumaanayo xiriirka Dowladdaha Turkiga iyo Faransiiska ayuu madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan waxaa uu dadkiisa ku booriyay in aysan iibsan baddeecadaha lagu sameeyo dalka Faransiiska.