3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 27, 2020
Shaqaalaha Dowladda Soomaaliya oo loo fasaxay maalinta Khamiista ah xuska dhalashada Nabbiga NNKH

 

Talaado, October, 27, 2020 (HOL)- Warka soo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in shaqaalaha dowladda maalinta Khamiista ah loo fasaxay xuska dhalashada Nabbigeena Maxamed NNKH.

Qoraal ka soo baxay Wasaarradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa lagu sheegay in la fasaxay dhamaan shaqaalaha dowladda iyada oo la wey-neynayo dhalashada Nabbi Maxamed NNKH.

Qoraalka ayaa lagu yiri'' Wasaarrrada Shaqada iyada oo wey-neyneysa Rasuulkeena Suuban, waxaa ay ku wargalineysaa shaqaalaha Dowladda iyo Shaqaalaha gaarka ah intaba in maalinta Khamiista ah oo ay taariikhdu tahay 12ka bisha Mowliid ee sanadka 1442 Hijriyada ay ku beegan tahay dhalashada Rasuulkeena NNKH, sidaa daraadeed la fasaxay dhamaanba shaqaalaha Dowladda maalinta Khamiista ah.

 

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
   


 


















Click here
11/2/2020 10:59 AM EST
Sida loo dhaqdo gacmahaaga. Sida habboon waa illaa 20 daqiiqo iyo Ku nadiifinta gacmaha nadiifiyaha gacmaha

10/27/2020 5:33 PM EST
Talaado, October, 27, 2020 (HOL) - Liiska xildhibaanada Barlamaanka labaad ee Hirshabeelle ayaa goor dhowayd looga dhawaaqay magaalada Jowhar, halkaas oo waayahaan dambe ay ka socotay soo xulistooda.

10/27/2020 2:43 PM EST
Talaado, October, 27, 2020 (HOL) - Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan caruurta ee UNICEF ayaa cambaareysay dil maanta magaalada Muqdisho loogu gaystay laba ka mid ah shaqaalaheeda gargaarka bani’aadannimo.

10/27/2020 2:38 PM EST
Talaado, October, 27, 2020 (HOL) Kulan looga hadlayay dhalinyarada isticmaasha daawada xad dhaafka ah (Overdose) ayaa lagu qabtay magaalada Columbus Ohio Manta, waxaana soo abaabulay qaar kamid ah waalidiinta magaalada gaar ahaan Ramlo Jama oo ah Hooyo Caruur koox ah ugu dhalatay Mareykanka isla markaana ka damqatay dhibaatada haysata dhalinyarada.

10/27/2020 1:54 PM EST
Talaado, October, 27, 2020 (HOL)-Hay'adda Culimada Soomaaliyeed ayaa siweyn uga hortimid hadalkii dhanka ahaa Nabbi Maxamed NNKH, waxaana ay hay'addu ku tilmaamtay hadalkaasi in uu ahaa ;duulaan qaawan oo lagu soo qaaday Diinta Islaamka.

10/27/2020 11:03 AM EST
Talaado, October, 27, 2020 (HOL) - Xulka kubada cagta gobolka Sool ayaa u anbabaxay magaalada Hargeysa si ay uga qayb galaan tartanka ciyaara gobolada oo bilaabmi 28 bishan sida uu sheegay Maxmuud Askar isuduwaha Ciyaaraha.

10/27/2020 10:24 AM EST
Talaado, October, 27, 2020 (HOL)- Wasiirka cusub ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa maanta xilka kala wareegay wasiirkii hore ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Sadiq Xirsi Warfa.

10/27/2020 8:30 AM EST
Talaado, October, 27, 2020 (HOL) - Maxkamad Milateri oo ku taal Puntland ayaa laba nin ku xukuntay dil toogasho ah halka mid kalena ku xukuntay 20 sano oo xabsi ah, kadib markii lagu helay inay ka tirsan yihiin Daacish iyo al-Shabaab.

10/27/2020 8:16 AM EST
Talaado, October, 27, 2020 (HOL)- Wasaarradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in marka la eego gudaha dalka Soomaaliya ay kordhayaan dadka laga helayo caabuqa cudurka Coronavirus oo ah cudur dhibaato ba’an ku haya guud ahaan caalamka.

10/27/2020 7:52 AM EST
Talaado, October, 27, 2020 (HOL)- Degmada Kaxda ayaa wararka ka imanaya waxaa ay sheegayaa in kooxo hubeysan ay toogasho ku dileen guddoomiye waaxeed iyo gabar la sheegay in ay ka shaqeyneysay howlaha caafimaadka gaar ahaan ka wacyigalinta dadka cudurka Covid-19.

10/27/2020 5:41 AM EST
Talaado, October, 27, 2020 (HOL) -Xarunta dowlad gobolleedka Galmudug ee Dhuusa-Mareeb waxaa gaaray wakiilka Qarramada Midoobey ee Soomaaliya James swan iyo wafdi uu horkacyo.

10/27/2020 2:48 AM EST
Talaado, October, 27, 2020 (HOL) - Midowga Afrika iyo midowga Yurub oo yeeshay kulankooda sanadlaha ah ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo madax-bannaanida Soomaaliya, madax-bannaanideeda siyaasadeed iyo madax-bannaanida dhuleed.

10/27/2020 2:19 AM EST
Talaado, October, 27, 2020 (HOL) - Hay'adda Sirdoonka Soomaaliya ee Nisa ayaa ku eedeeysay, Booliska, Kastamka iyo Wasaarada Maaliyada in ay sabab u yihiin in Al-shabaab Walxaha qarxo kala soo dagaan dekada iyo Canshuurta ay ka helaan dekeda.

10/27/2020 1:46 AM EST
Sabti, October, 24, 2020 (HOL)- 20 ayaa ku darsantay inta u dhintay COVID-19 ee reer Minnesota.

10/27/2020 12:39 AM EST
Talaado, October, 27, 2020 (HOL)- Iyadoo uu sii xumaanayo xiriirka Dowladdaha Turkiga iyo Faransiiska ayuu madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan waxaa uu dadkiisa ku booriyay in aysan iibsan baddeecadaha lagu sameeyo dalka Faransiiska.