4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 24, 2020
Madaxweyne Farmaajo oo isku badallay taliyayaal Ciidan

 

Sabti, October, 24, 2020 (HOL)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto uu saaray waxaa uu isbadal ku sameeyay qaar ka mid ah taliyayaasha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Xoogagga dalka Soomaaliyeed ayaa loo magacaabay in uu noqdo Jen Cabaas Amiin oo horay u ahaa Taliyaha Ciidanka Dhulka, halka Taliyaha ciidanka Dhulka loo magacaabay in uu noqdo Jen Maxamed Tahliil Biixi, waxaana ku-xigeenkiisa noqonaya Col Xusseen Xoosh.

Taliyayaashan la kala badalay ayaa isla maanta la wareegay xilalkooda waxaana ay arintan imaneysaa xili isla maanta Baarlamaanka Soomaaliya uu meel mariyay xukuumadda cusub ee dhawaantan la soo dhisay.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]