3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 24, 2020
Dowladda oo sheegtay in ay weerar ku dishay sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-shabaab

 

Sabti, October, 24, 2020 (HOL)-- Sarkaakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya gaar ahaan xoogagga DANAB ayaa sheegay in howlgal ku dileen dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab oo uu ka mid yahay sarkaal sare oo u qaabilsanaa dhinaca maaliyada.

Howlgalkan oo ay ka fuliyeen ciidamada deegaanno hoostaga Balcad iyo Afgooye ayeey sheegeen in lagu dilay horjoogaha magaciisa lagu sheegay Cabdiraxmaan Cabadalla (Abuu Ayman) kaa oo lacagaha ka soo uruurin jiray dadka shacabka deegaanno ka tirsan gobollada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.

Sidoo kale ciidamada ayaa sheegay in muddadii uu howlgal socday ay burburiyeen fariisimo ay lahaayeen xoogagga Ururka Al-shabaab, ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Al-shabaab oo la xiriira howlgalkan la sheegay in lagu dilay xubno ka tirsan dagaalyahanadooda

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
   














Click here
10/24/2020 2:55 PM EST
Sabti, October, 24, 2020 (HOL)-Ra'iisal Wasaare Maxamed Xusseen Rooble oo shir guddoomiyay kulankii ugu horreeyay ee Golaha Xukuumadda ayaa Wasiirrada cusub faray in ay degdeg xilalkooda ula wareegaan si loo guda-galo howlaha shaqo ee hor yaala.

10/24/2020 10:47 AM EST
Sabti, October, 24, 2020 (HOL)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto uu saaray waxaa uu isbadal ku sameeyay qaar ka mid ah taliyayaasha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

10/24/2020 7:51 AM EST
Sabti, October, 24, 2020 (HOL)-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble oo khudbad ka hor jeediyay maanta xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa ka hadlay howlaha hor yaala xukuumadda uu horkacayo ee codka kalsoonida heshay.

10/24/2020 7:18 AM EST
Sabti, October, 24, 2020 (HOL) - Puntland ayaa sharuud ku xirtay sii daynta shakhisyaad horey uga tirsanaan jiray Al-shabaab, kuwaas oo qeyb ka ahaa eedeesanayaal u xiran dilka gudoomiyihii hore ee gobolka Nugaal, Cabdisalaan Gujir, oo la dilay taariikhdu markay ahayd 29 march 2020.

10/24/2020 5:39 AM EST
Sabti, October, 24, 2020 (HOL)- Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa goor dhaw cod aqlabiyad ah ku ogolaaday Golaha Xukuumadda cusub ee uu dhawaan soo magacaabay Ra’iisal Wasaare Maxamed Xusseen Rooble.

10/24/2020 1:11 AM EST
Sabti, October, 24, 2020 (HOL)-Wasaarradda Waxbarashada Dowlad gobolleedka Galmudug ayaa shaacisay magacyada Afar Ardey ah oo ku geeriyootay walxaha Qarxa deegaan lagu magacaabo Bangeelle oo ka tirsan gobolka Galguduud

10/24/2020 12:49 AM EST
Sabti, October, 24, 2020 (HOL)-Ajandaha Kulanka Golaha Shacabka Soomaaliya ee maanta oo Sabti ah ayaa noqonaya meelmarinta xukuumadda cusub ee Isniintii toddobaadkii hore uu soo dhisay Ra'iisal Wasaare Maxamed Xusseen Rooble.

10/24/2020 12:20 AM EST
Sabti, October, 24, 2020 (HOL) - Ururka Al-shabaab ayaa kordhiyay weerarada joogtada ee uu ka geysanayo gudaha Soomaaliya iyo qeybo kamid ah dalka Kenya, sida lagu sheegay warbixin xog ururin ah oo lagu daabacay bog ka faallooda kooxaha mintidiinta.

10/24/2020 12:17 AM EST
Sabti, October, 24, 2020 (HOL) - Wasiirka Arimaha Dibada Hindia, Jaishankar ayaa sheegay in India ay ka shaqeyneyso sidii ay gargaar iyo dib ugu celin ugu sameyn laheyd 33 muwaadin oo Hindi ah oo ku xanniban Soomaaliya.