4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 23, 2020
Dowladdaha Sudan iyo Israel oo xiriir diblumaasiyadeed sameystay

 

Jimco, October, 23, 2020 (HOL)-Madaxweynaha Dowladda Mareykanka Donald Trump ayaa laga soo xigtay in labada dowladood Sudan iyo Israel ogolaadeen in ay caadi ka dhigaan xiriirkooda Dibulmaasiyadeed.

Trump ayaa intaa ku darray in sidoo kale uu rajeynayo in bilaha soo socda dowladda Falastiin iyo Saudi Arabia ay hagaajin doonaan xiriirkooda Diblumaasiyadeed.

Madaxweynaha dalka Mareykanka oo u ordaya in mar kale xilka madaxweynaha dalka Mareykanka loo doorto ayaa sheegay in uu arintan ku xajiiyay xiriir dhinaca Taleefoonka ah oo uu la yeeshay hogaamiyayaasha labada dal.

Dowladda Sudan ayaa noqoneysa wadankii saddexaad ee Islaam ah oo xiriir toos ah la yeesha Dowladda Israel labadii bilood ee ugu danbeysay,. 

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]