4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 23, 2020
Ayax duulaan ah oo lagu arkay meelo ka mid ah gobolka Sool
 

Jimco, October, 23, 2020 (HOL) - Ayax la sheegay in uu ka soo duulay dhinaca gobolka Sanaag ayaa soo gaadhey degmada Xuddun ee gobolka Sool, kaas oo beegsanaya dhulka uu helay roobka Dayrta oo haatan aad u yar.

"Mar keliya ayaan dareenay hadh iyadoo aan daruur u qaadanay, waxaase mardanbe aan ogaaney in uu Ayax socoto ah yahay" sidaa waxa HOL u sheegay Maxamed Maxamuud oo ka mid ah reer guuraaga degan duleedka magaalada Xuddun.

Ayaxan ayaa la sheegay inuu ku degey meel dhinaca waqooyi galbeed kaga quman Xuddun oo roob lahayd dad badana ay degeen sida aan ka helayno dadka ku dhow degaankaasi.

Sidoo kale degaanka Qabri-bayax oo Laascaanood 30KM. koonfur kaga quman ayaa la sheegay in dhowaan uu ku degey degaan u dhow oo uu ka dhigay dhul abaar ah mid u muuqda.

"Dhul kayn ah oo u dhow Qabribayax ayuu ayaxan ku degey waxa uu fadhiyey illaa 20 saacadood, dhirtii caleentii markuu ka laastay ayuu diirkii ka fiiqay, waxaadna moodaa dhul abaar la gubtey" sidaana waxaa noo sheegay Axmed Cagaane oo waqtigaa ka yimi halkaas, waxaana uu intaas ku daray in uu sii dhaafay dhinaca Itoobiya.

Sidoo kale meelo ka mid ah degmada Taleex ayaa la sheegay in ayaxan doolka ahi uu haleelay kana dhigay dhulkii la daaqi jirey lamadegaan, waxana la sheegayaa in uu u badan yahay dhinaca Soolka.

Kooxaha la dagaalama ayaxa oo beryihii u danbeeyey ku sugnaa gobolka Sanaag ayaa shalay hawada magaalada Laascaanood lagu arkay mid ka mid ah diyaaradaha qumaatiga u kaca oo wareegaysa, mana jirto cid cadaynaysa in ay tahay tii ayaxa dadkaase u qaatay maadaama ay u ekayd.

Si kastaba ha ahaatee roobabkii Dayrta oo yaraaday iyo ayax duulaan ah ayaa cabsi xoogleh keentay in abaar aan xal loo helin ay timaado waqtiga soo socda.

Seynab A. Warsame, Hiiraan Online