3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 17, 2020
Dowladda Soomaaliya oo Talyaaniga la saxiixatay mashruuc lagu dhisayo Biyo xireenka Beledweyne
 

Sabti, October 17, 2020 (HOL) - Mashruucan ayaa isugu jira dhisme biyo xireen, dayactirka Jiinka iyo kanaalada wabiga, si loo yareeyo khatarta fatahaad ee wabiga Shabelle ku sameeyo magaalada Beledweyne iyo beeraleyda ku xeeran.

Saxiixa heshiiskan oo uu goobjoog ka ahaa siihayaha R/Wasaare ku-xigeenka ayaa waxaa Dowladda Soomaaliya u siixay siihayaha Wasiirka Beeraha Siciid Xuseen Ciid, halka Dowladda Talyaanigana u saxiixay Safiirkooda Alberto Vecchi iyo Madaxa Hay’adda horumarinta Talyaaniga Guglielmo Giordano.

Mashruucan ayaa waxaa ku baxaya lix Milyan oo Yuuro, waxuna isugu jiraa saddex qeybood oo kala ah, dhismaha biyo-xireeno, dayactirka kanaalada iyo tayeynta hay’adaha qaabilsan fatahaadaha.

Siihayaha Wasiirka Beeraha ayaa sheegay mashruucani in uu yahay mid ahmiyad weyn u leh deegaannada uu maro wabiga Shabelle oo geysta fatahaado sababa dhimasho iyo burbur hantiyeed, isagoo uga mahadceliyey dowladda Talyaaniga taageerada ay la garab taagan tahay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
10/17/2020 4:10 PM EST
Sabti, October 17, 2020 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa ogolaatay in Qaadka dalka Ethoipia uu si sharci ah kusoo gale karo dalka Soomaaliya, ayada oo wali dalka Kenya ay saarantahay xayiraaddii lagu soo rogay.

10/17/2020 1:37 PM EST
Sabti, October 17, 2020 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle ayaa sheegaya in halkaasi maanta gaareen ciidamo ka tirsan Booliska sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano Haramcad.

10/17/2020 8:41 AM EST
Sabti, October 17, 2020 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Garowe ka dhacay xukun qisaas ah oo lagu fuliyay Faarax Cabdi Maxamed oo horey u dilay hooyadiis, sida uu sheegay xeer ilaaliye ku xigeenka Puntland Maxamed Xareed Faarax.

10/17/2020 8:38 AM EST
Sabti, October 17, 2020 (HOL) - Nabadoon Xuseen Xaaji Ibraahim oo ah guddoomiyaha beesha jareerweyne ee degaanada Puntland ayaa walaac xoogan ka muujiyay xarriga 12 dhalinyaro ah oo kasoo jeeda beeshaas, kuwaas oo muddo ku dhow 8 bilood ah u xiran kiiska dilkii gudoomiyihii gobolka Nugaal Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir), oo qarax ismiidaamin ah lagu dilay 29 maarso ee sanadkan.

10/17/2020 12:54 AM EST
Sabti, October 17, 2020 (HOL) - Guddoomiyihii maxkamada racfaanka gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Puntland, Maxmuud Cismaan Aadan ayaa ka badbaaday qarax loogu xiray gaarigiisa maalintii shalay.

10/17/2020 12:51 AM EST
Sabti, October 17, 2020 (HOL) - Duulimaadyada Qaramada Midoobay ee daadgureynta muhaajiriinta ku xayiran Liibiya ayaa dib loo bilaabay ka dib markii loo hakiyay sababo la xiriira safmarka Covid19, sida ay sheegtay hay'adda qaxootiga ee Qaramada Midoobay.

10/17/2020 12:47 AM EST
Sabti, October 17, 2020 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa ka hor timid tallaabada Mareykanka uu ciidamadiisa ugala baxayo Soomaaliya.