4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 13, 2020
Madaxweynaha Uganda oo lagu eedeeyay inuu qaalliyeeyay u tartamida kuraasta barlamaanka
 

Talaado, October 13, 2020 (HOL) - Musharrixiinta doorashada baarlamaanka Uganda ayaa la faray inay illaa Khamiista bixiyaan khidmadda lacageed ee murashaxnimadooda oo dhan $800, sida uu sheegay Guddiga Doorashooyinka.

Si kastaba ha noqotee, qaar badan oo kamid ah murashixiinta u tartamaya dhinaca mucaaradka oo aan awood u lahayn dhaqaalahaan ayaa ku qasban inay xisbiyadooda taageero ka dalbadaan baraha bulshada.

Xisbiga mucaaradka ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Yoweri Museveni iyo xulafadiisa inay qaali ka dhigeen u tartamida kuraasta barlamaanka, taasoo ka dhigan in si fudud loo cuuryaamiyo mucaaradka.

Doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha Uganda ayaa lagu wadaa inay dhacaan bilaha Janaayo ama Febraayo ee sanadka soo socda.

Xisbiga talada haya ee NRM wuxuu hadda heystaa ku dhowaad saddex-meelood laba tirada golayaasha barlamaanka ee ah 458 xubnood.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]