3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 11, 2020
Maxabiis badan oo katirsan Daacish oo lagasii deynayo xabsiyada
 

Axad, October 11, 2020 (HOL) - Golaha Dimuqraadiga ee Suuriya ayaa ku dhawaaqay in ay 25,000 oo muwaadiniin reer Suuriya ah oo katirsan Daacish oo ku jira xerada caanka ah ee Al Hol lagu sii deyn doono qorshe guud oo cafis ah.

Madaxa Golaha Dimuqraadiga Suuriya, Elham Ahmed ayaa sheegay in lasii deyn doono iyadoo loo cuskanayo hubinta in maxaabiista aysan ku biiri doonin Daesh ama aysan ku kici doonin falal dambiyeed.

Tallaabadani ayaa waxay daba socotaa kadib markii YPG, ay sidoo kale siidaayeen 6,000 dagaalame oo katirsanaa jabhadda hubaysan ee PKK.

Maxaabiista la sii daayay ee katirsan PKK ayaa asal ahaan ka soo jeeda Suuriya iyadoo lagu saleynayo kafaalo qaadis qabiileed.

Tallaabadan ugu dambeysay waxay albaabada u fureysaa walaaca laga qabo dib-u-soo- curashada Daacishta Suuriya halka kooxda Daacish ay wali leeyihiin saldhigyo hawlgal.

Xerada Al Hol waxaa si rasmi ah loogu aqoonsan yahay inay tahay xero barokacayaal, laakiin inta badan maxaabiista ku jirta ayaa loo aqoonsan yahay inay yihiin xubno ka tirsan DAACISH ama la dhacsan.

Xerada ayaa martigalisay qiyaastii 73,000 oo ay kujiraan 42,000 oo ajaanib ah - waxayna caan ku tahay xaaladdaha bina-aadamnimo ee aan sugnayn.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
10/11/2020 6:19 PM EST
Axad, October 11, 2020 (HOL) - Maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowlad goboleedka Puntland ayaa xukuntay saddex nin oo dhalinyaro oo katirsan ururka Alshabab, kuwaas oo lagu qabtay dhulka buuralayda ah ee gobolka Bari.

10/11/2020 6:13 PM EST
Axad, October 11, 2020 (HOL) - Ugbaad Cali Cabdullaahi oo ahayd hooyo haystay saddex carruur ah sidoo kalena ahayd arday jaamacaddeed, ayaa xalay lagu kufsaday laguna dilay magaalada Burco, sida ay warbaahinta u sheegeen qoyskeeda.

10/11/2020 5:57 AM EST
Axad, October 11, 2020 (HOL) - Banaanbaxan looga soo horjeedo hab dhismeedka cusub ee maamulka Hirshabelle ayaa ka dhacay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

10/11/2020 5:54 AM EST
Axad, October 11, 2020 (HOL) - Warar dheerad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo xalay saqdii dhexe ku dhexmaray magaalada Jalalaqsi ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab.

10/11/2020 3:24 AM EST
Axad, October 11, 2020 (HOL) - Qaar kamid ah waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa xiran, waxayna dadka isticmaalayaan socod, ma jiraan gawaarida dadweynaha iyo bajaajta oo isticmaalaya waddooyinka xiran.

10/11/2020 2:38 AM EST
Axad, October 11, 2020 (HOL) - Dawladda Soomaliya ayaa ciidamo kale geysey xad beenaadka Soomaliya iyo Kenya, halkaas oo dhawaan ay ka dhaceen isku dhacyo u dhexeeyay ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Kenya.

10/11/2020 2:06 AM EST
Axad, October 11, 2020 (HOL) - Wararka ka imaanaya degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in uu halkaas dagaal ku dhex maray ciidamada AMISOM iyo Alshabaab, labada dhinac ayaa isku adeegsaday hub cul culus, waxaana la maqlayay madaafiic xooggan oo ay isweydaarsadeen.

10/11/2020 1:55 AM EST
Axad, October 11, 2020 (HOL) - Gudduumiyaha Baarlamanka Maamulka Hirshabeelle Shiikh Cismaan Barre Maxamed ayaa waxa uu sheegay in doorashada maamulka ay ku dhaceyso wakhtigeeda, islamarkaana cid walba oo Dowlad Goboleedkaas kasoo jeeddo ay u tartami karto kuraasta ugu sarreysa.