4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 26, 2020
Ismaaciil Cumar Geelle '' Waxaan ka cabsi qabaa in Baarlamaanka Al-shabaab maamulaan in uu ka soo baxo Soomaaliya

 

Khamiis, November, 26, 2020 (HOL) -Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in uu ka cabsi qabo in doorashada  soo socta ee Soomaaliya la soo doorto sida uu hadalka u dhigay Baarlamaan ay si dadban u maamulaan Al-shabaab.

Isaga oo la hadlayay The Afrika Report ayaa yiri Ismaaciil Cumar Geelle “Doorashada baarlamaanka Soomaaliya waxaa la filayaa inay qabsoonto sanadka 2021-ka, waxaan ka cabsi qabaa inay kusoo afjaranto doorashada xildhibaano si dadban ay u maamulaan Al Shabaab maadama ay gadan karaan taageerada qaar kamid ah xildhibaanada”

Madaxweynaha ayaa intaa ku darray in saameynta Al Shabaab ay sii fiday isla markaana ay canshuur ka qaadayaan ganacsatada iyo sidoo kale inay xeryaha qaxootiga ay ka qorayaan dhalinyarada shaqo la’aanta ah.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]