4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 26, 2020
Ra'iisul wasaarihii hore ee Suudaan Saadiq al-Mahdi oo coronavirus ugu geeriyooday UAE
 

Khamiis, November, 26, 2020 (HOL) - Ra'iisul wasaarihii ugu dambeeyay ee Sudan ee si dimoqraadi ah loo soo doorto, Ka hor afgambihii milatari 1989, Saadiq al-Mahdi, ayaa u geeriyooday cudurka coronavirus, sida uu sheegay xisbigiisa Khamiistii maanta.

Mahdi, oo 84 jir ah, ayaa saddex toddobaad ka hor la dhigay isbitaal ku yaal dalka Imaaraadka Carabta.

Xisbigiisa qunyar socodka ah ee Umma Party ayaa ka mid ahaa xisbiyada ugu waaweyn ee mucaaradka xilligii Bashiir.

Saadiq al-Mahdi wuxuu ahaa shaqsi saameyn weyn ku yeeshay Suudaan xitaa markii xukunka laga tuuray Bashiir Abriil 2019.

Maamulka ku-meel-gaadhka ah ee Suudaan, ayaa ku dhawaaqay saddex maalmood oo baroor-diiq ah.

Bishii la soo dhaafay, qoyska Mahdi waxay sheegeen inuu helay cudurka COVID-19. Waxaa loo wareejiyay Imaaraadka si loogu soo daweeyo maalmo kadib isbitaal kooban oo uu ku jiray Sudan.

Bishii Diseembar, 2018, ayuu dalkiisa dib ugu soo laabtay ka dib muddo sanad ah oo uu iskiis isku musaafuriyay, iyadoo ay socdeen mudaaharaadyo looga soo horjeeday xaaladaha dhaqaale ee sii xumaanayay iyo xukunkii Bashiir.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]