4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 25, 2020
Adhicadeeye oo markale dhaqdhaqaaq nabad raadin ka bilaabmayo iyo wasiiro ku soo qulqulaya
 

Arbaco, November, 25, 2020 (HOL) - Waxaa magaalada Laascaanood soo gaadhey xubno wasiiro ah oo ka soo kicitimay magaalada Hargeysa iyadoo ay qaar kalena soo socdaan.

Wasiirada Xanaanada Xoolaha, Beeraha, Cadaaladda iyo Xidhiidhka Golayaasha, waxaana la sheegayaa in wasiirada Arimaha Gudaha iyo Warfaafinta la filayo in ay dhowaan soo gaadhaan si loo guda galo halsha ay u socdaan oo ah xal u helida colaad laba beelood ku dhexmartay Adhicadeeye oo 30Km. waqooyi kaga quman Laascaanood xarunta gobolka Sool.

Magaalada Adhicadeeye oo dhowaan lagu soo gabagbeeyey shir nabadayn ah oo laba bilood ka soconayey kaas oo ahaa kii ugu balaadhnaa ee ka dhaca iyadoo ay gobolada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle ay ergooyinku ka yimaadeen guulna ay ka gaadheen.

Waxaase si aad ah laysu weydiinayey sababta loo eeganayo colaada Adhicadeeye dhexdeeda ka taagan in kasta oo Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo ahaa matoorka shirkaas hore guusha ka gaadhey uu dhawrjeer xusay in iyana la dhamayn doono balse maanta ayaa loo soo dhiila dhaansaday in kasta oo ay tahay colaad guun ah oo soo noqnoqtay.

Seynab A. Warsame, Hiiraan Online