4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 24, 2020
Shirka Musharixiinta oo lagu martiqaaday culima'udiinka Soomaaliya

 

Talaado, November, 24, 2020 (HOL) - Shirka musharixiinta xilka madaxweynaha ee ka soconaya magaalada Muqdisho ayaa maalintiisii afraad galay iyadoo maanta lagu martiqaaday culima'udiinka Soomaaliyeed.

Intii uu socday shirkan ayaa waxaa ka qeybgalay Ururrada bulshada rayidka, Guddoonka labada Aqal iyo mas'uuliyiiin horey dalkan xilal uga soo qabtay oo intooda badan ka soo jeeda gobollada Waqooyi.

Maanta ayaa lagu wadaa in shirkan la soo gabagabeeyo lagana soo saaro war-murtiyeed ku saabsan xaalada dalka gaar ahaan doorashada 2020-21 oo ay musharixiintu saluugsan yihiin sida ay dowladdu u maamuleyso.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]