4/11/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 23, 2020
Abiy Ahmed oo 72 saacadood u qabtay TPLF in ay isku soo dhiibaan


 

Isniin, November, 23, 2020 (HOL)- Ra'isal wasaaraha Itoobiya ayaa xoogagga TPLF u qabtay 72 saacadood iney dowladda isugu soo dhiibaan, xilli ay ciidamada dowladda Itoobiya ay ku sii jeedaan caasimadda Maqale.

Abiy Axmed wuxuu hoggaanka Tigraay uu u sheegay in la marayo "meel aan laga noqon karin".xogagga Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigraay ee TPLF oo gacanta ku haya dhulka buuraleyda ayaa wacad ku maray iney dagaalka sii wadayaan oo ay isdhiibeyn.

Dagaalka dhowrka toddobaad dhex maraya ciidamada dowladda dhexe ee Itoobiya iyo kuwa daacadda u ah Tigraay waxaa la rumeysan yahay iney boqollaal qof ku dhinteen kumannaanna ay ku barakaceen.

Mar sii horreysayna ciidamada dowladda Dhexe waxay ka digeen magaalada Maqale oo ay ku nool yihiin 500,000 oo qof in taangiyo lagu hareereeyey ayna dhici karto madaafiic in lagu garaaco, "Wax naxariis ah ma jiri doonto," ayuu yiri afhayeenka ciidamada.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]       












Click here
11/23/2020 1:43 PM EST
Isniin, November, 23, 2020 (HOL) - Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble oo soo xiray shirka Golaha Amaanka Qarramada Midoobey oo looga hadlayay xaalada dalka Soomaaliya ayaa warbixin ka siiyay Golaha Arrimaha Doorashooyinka la filayo in ay dalka ka dhacaan.

11/23/2020 12:51 PM EST
Isniin, November, 23, 2020 (HOL) - Shirkan oo markiisii hore ku bilaaday musharixiinta garabka mucaaradka oo kaliya ayaa hadda waxaa ku biiraya dhinacyo kale xubno oo isugu jira Ururrada bulshada rayidka iyo mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka.

11/23/2020 11:39 AM EST
Isniin, November, 23, 2020 (HOL) - Wasiirkii hore ee Wasaarrada Warfaafinta islamarkaana ka mid ah musharixiinta garabka mucaaradka ee ku shirsan magaalada Muqdisho Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in xafiisyada dowladda laga hurinayo colaad laga abuurayo deegaannada dalka.

11/23/2020 10:54 AM EST
Isniin, November, 23, 2020 (HOL)- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa galinkii dambe ee shalay ka dhagax-dhigay degmada Galdogob ee gobolka Mudug dhisme ballaaran oo noqonaya xarun Bulsho.

11/23/2020 8:57 AM EST
Isniin, November, 23, 2020 (HOL)- Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Billad iyo Shahaado sharaf ku maamusay mas'uuliyiintii iyo howlwadeennadii ka soo shaqeeyay dib u soo celinta maamulka hawada dalkeenna ayaa adkeeyay ahmiyadda ay leedahay xaqiijinta madaxbannaanida dalka, dowladnimada iyo sharafka Qarannimadeenna.

11/23/2020 7:15 AM EST
Isniin, November, 23, 2020 (HOL)- Musharixiinta ku shirsan Muqdisho ee garabka mucaaradka ayaa kulan la qaatay siyaasiyiinta ka soo jeeda gobollada Waqooyi [Soomaaliland] oo uu horkacayo guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaanshi Cabdullaahi.

11/23/2020 6:12 AM EST
Isniin, November, 23, 2020 (HOL) - Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa maanta warbixin ku saabsan xaaladaha amniga iyo siyaasadda Soomaaliya, siin doona Golaha Amniga ee ku sugan magaalada New York.

11/23/2020 4:55 AM EST
Isniin, November, 23, 2020 (HOL) - Puntland ayaa shir degdeg ah ka yeelatay musiibada ka dhalatay duufaanta GATI oo ku dhufatay Gobolka Bari, iyadoo ay isisoo tarayaan khasaaraha kala duwan ee ka dhashay.

11/23/2020 4:49 AM EST
Isniin, November, 23, 2020 (HOL) - Wararka lagu kalsoonaan karo oo kusoo dhacay Xafiiska warqabadka Shabakadda HOL ayaa sheegaya in safar uu maanta ku imaan lahaa magaalada Baledweyne madaweynaha Hirshabeelle uu uga baaqday xiisad ka jirta duuleedka magaalada Baledweyne halkaasoo ay ku sugan yihiin ciidamo hubeysan oo kasoo horjeeda maamulka Hirshabeelle.

11/23/2020 2:24 AM EST
Isniin, November, 23, 2020 (HOL) - Human Rights Watch ayaa ugu baaqday dowladda Soomaaliya inay xoojiso baaritaanada dilkii loo geystay toddobo shaqaale caafimaad, kuwaas oo bishii May ee sanadkan lagu dilay tuulada Gololay ee degmada Balcad.

11/23/2020 12:15 AM EST
Isniin, November, 23, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha Aqalka Sare Soomaaliya Cabdi Xaanshi Cabdullaahi oo la hadlayay laanta Afka Soomaaliga ee VOA ayaa ku eedeeyay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmajo in uu jabiyay qoddobo sharci ah.

11/23/2020 12:09 AM EST
Isniin, November, 23, 2020 (HOL) - Maanta ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyo shir qaatay muddo saddex cisho ah oo ay lahaayeen siyaasiyiinta mucaaradka iyo musaharixiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya oo saluugsan sida ay dowladdu u maamuleyso doorashada.

11/23/2020 12:04 AM EST
Isniin, November, 23, 2020 (HOL) - Hay'adda Culimada Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay waxaa ay uga hadashay khilaafka siyaasadeed iyo muranka ka taaggan doorashada lagu waddo dhawaan in ay dalka ka dhacdo oo ay isku maandhaafsan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka iyo mas'uuliyiinta dowladda dhexe ee Federaalka.