4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 23, 2020
Shirka midowga musharixiinta madaxweynaha oo maanta la soo gabagabey-nayo

 

Isniin, November, 23, 2020 (HOL) - Maanta ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyo shir qaatay muddo saddex cisho ah oo ay lahaayeen siyaasiyiinta mucaaradka iyo musaharixiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya oo saluugsan sida ay dowladdu u maamuleyso doorashada.

Qoraal ay xalay musharixiiinta wadajir u soo saareen ayeey maamul gobolleedyada dalka in ay ka saaraan guddiyada ay soo magacaabeen xubno ka tirsan shaqaalaha rayidka kuwaa oo aan buuxin ayeey yiraaheen sharuudaha ka mid noqoshada guddiyada doorashada.

Garabka mucaaradka ayaa la filayaa in ugu danbeyntii ay maanta ka soo saaraan kulankooda bayaan la xiriira tabashadooda doorashada iyo sida ay doonayaan in ay dhacdo xili dhinaca kale dowladda Soomaaliya ay tababar magaalada Muqdisho uga furtay guddiyada lagu muransan yahay oo dhawaan howlgali doona. 

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]