3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 22, 2020
Digniin laga soo saaray duufaan ku soo wajahan qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya

 

Axad, November, 22, 2020 (HOL) -War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ayaa lagu sheegay in sida saadaashu sheegeyso in dabeylo laga yaabo inay ku dhufato jihada waqooyi bari ee dalka, sidaas darteed xawaare u dhaxeysa 95-110 kiilometer ay saacadii jareyso.

''Waxaa ay si gaar ah uga digeysaa dowladda Soomaaliya Kalluumeysatada iyo dadka ku dhaqan hareeraha Xeebaha in ay ka digtoonaadaan khataraha kusoo wajahan dhulka Xeebaha ah, waxaana ay ugu baaqeeysaa maamulada degaannada laga cabsi qabo inay duufaanta saameyso iyo dhamaan Hay’adaha gargaarka inay u diyaar garoobaan xaaladaha soo cusboonadaay, taageerana u muujiyaan bulshada ku nool degaannadaas ayaa lagu yiri” War kasoo baxay Wasaaradda Gargaarka maareynta iyo musiibooyinka Soomaaliya.

Hoos ka akhriso digniinta ka soo baxday dowladda :

 

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]      

 
















Click here
11/22/2020 3:38 PM EST
Axad, November, 22, 2020 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ceelgaal oo dhinaca waqooyi bari kaga beegan magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ilaa 13 KM ayaa sheegaya in halkaasi kulamo xasaasi ah ku dhexmareen Sarakiisha Golaha Samata Bixinta Hiiraan iyo xubno ka socda maamulka gobolka Hiiraan uu horkacaayo guddoomiye Cali Jeyte Cismaan.

11/22/2020 2:30 PM EST
Axad, November, 22, 2020 (HOL) - Ra'iisal Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guulleed Khadar magaalada Muqdisho tababar uga furay guddiyada heer federaal ee loo idmaday in ay ka shaqeeyaan doorashada Soomaaliya ee 2020-21.

11/22/2020 2:18 PM EST
Axad, November, 22, 2020 (HOL) - Wararka Hiiraan Online ay ka helayso dhulka xeebaha bari ee Puntland ayaa sheegaya in khasaare baaxad leh uu ka dhashay Roobab duufaano wata oo saacadihii ugu dambeeyay si aan kala joogsi lahayn uga da’ayay dhulkaas, iyadoo ay u sii dheer tahay in ay hawada ka maqan tahay adeegii isgaarsiinta.

11/22/2020 12:16 PM EST
Axad, November, 22, 2020 (HOL)- Shirka maalintii labaad ee galay ee magaalada Muqdisho uga soconaya midowga musharixiinta xilka madaxweynaha ayaa waxaa ku biiray qaar ka mid ah ururrada bulshada rayidka oo dhawaan soo saaray walaac ay ka qabaan doorashada.

11/22/2020 11:54 AM EST
Axad, November, 22, 2020 (HOL) -Iyadoo wali ay muuqato in musharixiinta xilka madaxweynaha ee garabka mucaaradka ku dhaggan yihiin guddiyada doorashada, ayeey maanta soo saareen baaq la xiriira guddiyada oo ay u dirayaan maamuladda Puntland iyo Juballand.

11/22/2020 9:04 AM EST
Axad, November, 22, 2020 (HOL)-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur galbeed.

11/22/2020 8:36 AM EST
Axad, November, 22, 2020 (HOL)- Dowladda Itoobiya ayaa qorsheynaya in ay taangiyo u adeegsadaan in ay ku qabsadaan magaalada Mekelle ee xarunta gobolka Tigray ee woqooyiga dalkaasi, waxayna uga digayaan dadka shacabka ah in ay sidoo kale madaafiic u adeegsan doonaan magaalada, sida ay Axadda maanta ah ku warantay warbaahinta dowladda.

11/22/2020 7:26 AM EST
Axad, November, 22, 2020 (HOL) - Maxkamadda gobolka Togdheer ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay Sakariye Cabdi Yuusuf, oo la sheegay in lagu helay dambi ah in uu Kufsi iyo dil u gaystay Marxuumad Ugbaad Cali Cabdilaahi, oo ahayd gabadh Dhallinyaro ah.

11/22/2020 5:02 AM EST
Axad, November, 22, 2020 (HOL) –Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhaw gaaray magaaalada Baydhabo ee xarunta KMG u maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

11/22/2020 4:44 AM EST
Axad, November, 22, 2020 (HOL) -Labo qof ayaa ku dhintay, hanti badana way ku burburtay shil gaari oo xalay ka dhacay tuulada Shire oo katirsan degmada Qardhon ee gobolka Bari Puntland.

11/22/2020 3:44 AM EST
Sii badashada joogtada ah ee tirooyinka guud ee bukaannada cudurkan halista ah waxay tilmaamayaa in cudurkan si dhaqso ah ugu sii fidayo Minnesota.

11/22/2020 3:39 AM EST
Tirada ugu badan ee bukaan ilaa iyo hadda la diiwaan geliyay; sariirraha isbitaalka oo buuxsamaya; 31 bukaan xijaabatay.

11/22/2020 12:10 AM EST
Axad, November, 22, 2020 (HOL)-- Waxaa maalintii labaad Hoteelka Jazeera ee magaalada Muqdisho ka soconaya shirka siyaasiyiinta mucaaradka iyo musharixiinta madaxweynaha uga furmay maalintii shalay kaasoo lagu gorfeynayo arrimaha doorashooyinka dalka.

11/22/2020 12:07 AM EST
Axad, November, 22, 2020 (HOL) - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxmuud oo ka qeybgalay Barnaamij dood wadaag ah oo su'aalo lagu weydiinayay ayaa sheegay in milkiilaha dowladda hadda jirta uu yahay Fahad Yaasiin oo ah taliyaha Nabad-sugida Qaranka.