4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 20, 2020
Ciidamo katirsan Puntland oo qarax Gaalkacyo lagula eegtay
  

Jimco, November, 20, 2020 (HOL)- Ciidamo katirsan Puntland ayaa caawa maqribkii lala beegsaday qarax miino iyagoo marayay waqooyiga magaalada Gaalkacyo, sida ay HOL, u sheegeen dad goob joogayaal ah.

Qaraxa kadib ayaa la maqlayay rasaas xoogan oo ka dhacaysay goobta falka uu ka dhacay oo ay ciidamadu marayeen.

Goobta uu falku ka dhacay waxaa ka ag dhow xarunta madaxtooyada halkaas oo ah goob ammaankeeda aad loo illaaliyo.

Wararka aan helayno waxay sheegayaan in ciidamada lagu tuuray bombo gacmeed, waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Hal qof oo shacab ah ayaa la xaqiijiyay inuu dhintay, balse lama oga inuu qaraxa ku geeriyooday ama rasaasta ciidamadu ridayeen.

Lama oga cidda falkan ka dambeysay, hase ha ahaatee, Alshabab ayaa horey falal caynkaan oo kale ah uga geysatay Gaalkacyo.

Tan iyo bishii May ee sanadkaan oo la dilay guddoomiyihii gobolka Mudug, Axmed Muuse Nuur Yare, Gaalkacyo ammaankeeda wuu soo hagaagayay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]