4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 18, 2020
Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay dagaalka gobolka Tigrayga

 

Arbaco, November, 18, 2020 (HOL) -Dowladda Soomaaliya ayaa War-saxaafadeed ka soo saartay dagaalka ka socda Waqooyiga dalka Itoobiya ee u dhaxeeya ciidamada Federaalka Itoobiya iyo xoogaga TPLF.

War ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in ay aad uga walaacsan yihiin xaaladaha ka soo cusboonaaday dalka Itoobiya, waxaana lagu baaqay in wax walba wada-hadal lagu dhameeyo.

Dagaalka ka soconaya gobolka Tigrayga ayaa saameyn adag ku yeeshay dadka rayidka waxaana isaga barakacay gobolka Kumannaan qoysas ah oo u talaabay dhinaca xadka Suudan.

Hoos ka akhriso Qoraalka :

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]