4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 18, 2020
Puntland oo maanta Somaliland ku wareejisay eedeesane loo haysto inuu dil ka geystay magaalada Hargeysa
 

Arbaco, November, 18, 2020 (HOL) - Puntland ayaa maanta Somaliland ku wareejisay eedeesane loo haysto inuu qof shacab ah ku dilay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Saraakiil katirsan labada maamul ayaa eedeesanahaan kula kala wareegay jiida hore ee degmada Tukaraq halkaas ah goob ciidan oo ay horey ugu dagaalameen Puntland iyo Somaliland.

Saraakiisha waxay sheegeen in labada dhinac uu ka dhexeeyo xiriir qoto dheer oo ku saabsan qabashada iyo soo dhiibista dadka dambiyada waaweyn soo gala ee baxsadka ah.

Sarkaal ka socday Puntland ayaa sheegay inay dhankooda masuuliyad iska saareen sidii ay u soo qaban lahaayeen eedeesanaha kasoo baxsaday dhinaca Somaliland uguna wareejin lahaayeen.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay labada dhinac isku wareejiyaan eedeesanayaal, balse waxay kusoo aadaysaa iyadoo labada dhinac uu haatan ka dhexeeyo colaad ka dhalatay dagaaladii Sool.

Markii ugu dambeysay oo Puntland iyo Somaliland wax la kala wareegaan waxay ahayd january 2019, kadib markii labada dhinac la kala wareegeen maxaabiis lagu qabtay dagaaladii Tukaraq.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]