4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 18, 2020
''Doorashada 2021 waxey la mid noqon doontaa kuwii ka dhacay Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle''

 

Arbaco, November, 18, 2020 (HOL)- Ra'iisal Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxaxmed Guulleed Khadar ayaa khudbad uu ka dhax jeediyay Tiyaatarka Qaranka wuxuu sheegay in doorashada 2021ka wareega koowaadba ku guuleysan doonaan.

Wuxuu tusaale u soo qaatay doorashooyinkii ka dhacay qaar ka mid ah dowlad gobolleedyada dalka gaar ahaan Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle oo sida uu hadalka u dhigay madaxweynayaashu wareegii koowaadba ku guuleysteen.

“Dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka ayaa tusaale idinkugu filan, dowlad goboleedka Koonfur Galbeed xildhibaanadii waa shireen, tartan baa dhacay, la isma laheyn sida ay wax u dhaceen ayey wax u dhacayaan, isbadal baa dhacay, madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen wareegii koowaad ayuu aqlabiyad ku soo baxay, mar labaad waxaan ogeyn Galmudug, Qoor-qoor wareegii koowaad ayuu aqlabiyad kusoo baxay, mar saddexaad waxaan ogeyn Hirshabeelle, Cali Guudlaawe wareegii koowaad ayuu kusoo baxay, markaan waa xiligii wareega koowaad 2020 yaan loo deymo la’aan,” ayuu yiri Mahdi Guuleed 

Mahdi ayaa intaa ku darray in dalkan uusan marnaba u baahneyn hoggaamiye mar walba la tijaabiyo, laakiin taa badalkeeda horey loo sii socon doono'' Waxaan hamineynaa in aan wareegga koowaad si aan  mad-madow laheyn aan horay ugu sii socono, waayo dalkan horey u socod ayuu baahan yahay” 

Hadalkan ayaa imanaya xili qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaraadka iyo musharixiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya ku eedeeyeen dowladda in ay abaabuleyso hannaan doorasho oo ku dhisan boob iyo musuqmaasuq sidaa daraadeed aan la aqbali karin.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]