3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 17, 2020
Garoowe: Wasiir Duraan oo booqday deegaanno lagu diiwaangelinayo Qoysas Ayaxu saameeyay oo taageerro ka helaya Dawladda


Talaado, November, 17, 2020 (HOL) - Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax oo socdaal  ku jooga Puntland, ayaa maanta booqday deegaannada uu saameynta ka geystay Ayaxa ee gobolka Nugaal.

Wasiirka ayaa sidoo kale tagey goobo ay ka socotay diiwaangelinta Qoysaska uu saameeyay Ayaxa, kuwaaso taageerro ka helaya Dawladda.

“Waxaan u nimid halkan si aan u oggaano sida ay ku socoto diiwaangelinta Qoysaska uu saameeyay Ayaxa ee beeralayda ah,kuwaaso qeyb ka ah Qoysas ay Dawladdu taageerro dhaqaale oo soo kabasho ah siin doonto.” ayuu yiri Wasiir Duraan oo warbaahinta kula hadlay deegaanka Jibagale ee hoos taga degmada Garoowe.

Duraan Axmed Faarax, wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya ayaa xaqiijiyay inay Dawladda ka go’antahay sidii dhaqso looga jawaabi lahaa xaaladaha deg degga ah oo uu ka mid yahay Ayaxa oo saameeyay beeralay badan.

Qoysaska uu saameeyay Ayaxa ee ku nool in ka badan 40 degmo oo dalka oo dhan ah ayaa lacag caddaan ah muddo lix bil ah ka heli doona mashruuca ka jawaabaya saameynta Ayaxa ee Baxnaano oo qeyb ka ah siyaasadda Ilaalinta Bulshada ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

“ Mashruucan waxaan u daba galeyna si uu guul ugu dhammaan lahaa xilliga loogu talagalay,cidda ku habboona ay uga faa’iideysan lahayd, waa arrin suragalinaysa taageerro ballaaran inay helaan dadkeenna nugul iyo kuwa xaaladaha deg degga ay soo food-saaraan.” ayuu ku daray.

Booqashadan waxaa wasiirka ku helisay wasiir kuxigeenka Wasaaradda Shaqada,Shaqaalaha,Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland, Hodan Siciid ,madaxa Barnaamij Baxnaano, Fardowsa Axmed Cabdullaahi iyo mas’uuliyiin kale.

Iman Jama, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
12/4/2020 6:14 AM EST
Bamlanivimab to be used for those at high risk of developing severe disease

12/2/2020 2:26 AM EST
Talaado, November, 17, 2020 (HOL) - Waaxda Caafimaadka ee Minnesota ayaa sheegtay Talaadadii in lix iyo labaatan kale oo reer Minnesota ah u dhinteen COVID-19, tirada guud ee dhimashadana ay ahayd 2,943 qofood.

11/17/2020 7:43 AM EST
Talaado, November, 17, 2020 (HOL) - Wasiirka wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee dowladda Soomaaliya, Drs, Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa maanta shaacisay in 153 qof laga helay cudurka Covid19, kadib baaritaan lagu sameeyay dad ka badan shan kun oo qof, mudadii u dhexeysay 1 illaa 17 November.

11/17/2020 7:31 AM EST
Talaado, November, 17, 2020 (HOL) - Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali oo faah faahiin ka bixiyay qarax uu geystay qof ismiidaamiye ah ayaa sheegay in uu sababay geerida Lix ruux.

11/17/2020 6:47 AM EST
Talaado, November, 17, 2020 (HOL) - Wasiirka wasaaradda haweenka iyo horumarinta xuquuqda aadanaha dowladda federalka Soomaaliya xildhibaan Xaniifa Maxamed Xaabsade, ayaa ugu baaqday maamul goboleedka Puntland, in uu tallaabo ka qaado askari katirsan ciidanka Puntland oo dhaawac u geystay gabadh dhalinyaro ah.

11/17/2020 5:54 AM EST
Talaado, November, 17, 2020 (HOL) - Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxay weerar uu geystay qof isku soo xiray walxaha qarxa oo ka dhacay gudaha maqaaxi ku taala degmada Xamar-jajab ee magaalada Muqdisho.

11/17/2020 4:53 AM EST
Talaado, November, 17, 2020 (HOL)- Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed ayaa sheegay in uu soo dhamaaday waqtigii loo qabtay inay isku soo dhiibaan maleeshiyaadka iyo ciidamada TPLF ee weli la dagaalamaya ciidamadiisa.

11/17/2020 1:01 AM EST
Talaado, November, 17, 2020 (HOL) - Madaxweyne Trump ayaa la filayaa inuu ku amro militariga Mareykanka inay kumanaan askari kala baxaan Afghanistan, Iraq iyo Somalia, ka hor waqtiga uu xafiiska ka tagayo bisha Janaayo.

11/17/2020 12:12 AM EST
Talaado, November, 17, 2020 (HOL) -Madaxweynihii hore ee dalka Nigeria Olusegun Obasanjo ayaa u taggaya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya si uu isugu dayo in uu dhexdhexaadiyo dowladda Federaalka iyo maamulka Tigrayga isaga oo ku soo biiraya dadaallada nabadeed ee socda

11/17/2020 12:07 AM EST
Talaado, November, 17, 2020 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal ay ciidamadeedu ka fuliyeen gobolka Hiiraan iyo qeybo ka mid ah deegaannada hoosyimaada labada Shabeelle ku soo qab qabteen saraakiil ka tirsanaa Ururka Al-shabaab.

11/17/2020 12:04 AM EST
Talaado, November, 17, 2020 (HOL) - Madaxda Qaarrada Africa oo si dhaw u la socda dagaalka dalka Itoobiya ayeey dowladda Jabuuti sheegtay in ay dhaxdhaxaadin ka gali doonto sidii loo soo afjari lahaa dagaalka haddii loo baahdo.