4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 15, 2020
Guddoomiye Cabdi Xaanshi oo dacwad ka dhan ah guddiyada Doorashooyinka u diray beesha caalamka

 

Axad, November, 15, 2020 (HOL) -Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa  Qoraal ka dhan ah  Guddiyada Doorashooyinka u diray beesha caalamka gaar ahaan  Wakiilka QM eeArrimaha Soomaaliya Amb, James Swan, Wakiilka Midowga Afrika ee Somalia Amb, Francisco Madera.

Guddoomiye Xaanshi ayaa sheegay in xiligan dalka uu ku jiro waqti kala guur ah oo la galayo doorashooyinka Xildhibaannada labada Aqal si ay xor iyo xalaal ugu dhacaan, hasse ahaatee uu ka digayo in doorashooyinka Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka kasoo galaya Gobolada Waqooyi ay faragelin ku sameeyaan Madaxweyne Farmaajo iyo Taliyaha Hay’adda NISA Cabdi Xaashi Cadillaahi.

Qoraalka Cabdi Xaanshi iyo dacwada uu u diray beesha caalamka ayaa imanaya xili ay cirka isku shareertay doodda ka dhanka ah Guddiyada Doorashooyinka oo dhinacayada siyaasadda  intooda badan ku tilmaamayaan kuwo aan lagu kalsoonaan karin.

Hoos ka akhriso Qoraalka 

 

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]