4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 15, 2020
Arday Kenyan ah oo soo saaray hub cusub oo lagu qalabayndoono ciidamada Kenya
 

Axad, November, 15, 2020 HOL) - Koox dhalinyaro ah oo reer Kenya ah oo ka tirsan ardayda jaamacadaha ayaa loo xilsaaray sameynta hub cusub iyada oo lagu fulinayo hawlgal qarsoodi ah oo loogu magac daray Mashruuca Warshadeynta Amniga Qaranka.

Ardaydan oo ku jira da'da 20-meeyada waxaa la soo xiriiray Adeegga Sirdoonka Qaranka sida uu shaaca ka qaaday Afhayeenka Dowladda Col (Rtd) Cyrus Oguna.

Ardaydan dhalinyarada ah ayaa lagu amaanay sameynta hub magaciisa lagu sheegay  CMZ 4 Assault Rifle, oo ah aalad yareyneysa saameynta waxyaabaha qarxa ee la farsameeyay iyo hubka kale ee wax dila.

Bishii hore, Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa booqday akadeemiyada lagu sameynayay hubkaan, isagoo ammaanay waxqabadka ardayda fulinaysa mashruucaan.

Kenya ayaa sheegtay inay hubkaan ugu talo gashay Ciidamada Difaaca Kenya si ay u yareyso ku tiirsanaanta hubka shisheeye.

Qeyb kamid ah hubkaan ayaa la sheegay in ay dowladda Kenya u adeegsandoonto ka hortaga kooxda Al-Shabaab.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]