4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 15, 2020
Puntland oo howlgallo ka dhan ah Daacish iyo Al-shabab ka fulisay gobolka Bari
 

Axad, November, 15, 2020 HOL) - Ciidamada Amniga Puntland ayaa hawlgallo amniga lagu xaqiijinayo ka sameeyay tuulooyin katirsan Calmadow oo ah degaano ay si dhuumaalaysi ku yimaadaan dagaalamaayasha kooxda Alshabaab ee farriisinka ku leh aaggaas.

Howlgalkaan ayaa yimid kadib markii laamaha amniga ka digeen suurtagalnimada falal argigixiso oo ay maleegayaan kooxaha Shabaab iyo Daacish oo bilihii ugu dambeeyay ciidamadu guulo ka gaareen howlgalo ka dhacay Bosaso iyo buuraha ku teedsan.

Magaalada Bosaso oo ay markii ugu horeysay ka dhacayaan doorashada qaar kamid ah xildhibaanada Puntland u matalaya barlamaanka Soomaaliya, ayaa ammaankeeda aad loo adkeeyay, iyadoo la geeyay ciidamo tababar loogusoo xiray Qardho.

Bosaso waxay bilihii ugu dambeeyay ka nabad gashay dilalkii iyo qaraxyadii ka dhici jiray, iyadoo Puntland ay sheegtay inay burburisay shabakado qaabilsanaa dilalka iyo qaraxyada.

Dhawaaan, maxkamada ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa lasoo taagay xubno katirsan kooxda Daacish oo uu ku jiray madaxii dilalka iyo farsameynta qaraxyada Daacish ee Bosaso.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]