3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 14, 2020
Puntland oo siidaysay 6 dhalinyaro ah oo u xirnaa dilkii guddoomiyihii gobolka Nugaal
 

Sabti, November, 14, 2020 (HOL) - Puntland ayaa maanta sii daysay 6 dhalinyaro oo qeyb ka ahaa dad loo haystay inay ku lug lahaayeen dilkii guddoomiyihii gobolka Nugaal, Cabdisalaan Xasan  Gujir, oo qarax ismiidaamin ah lagu dilay 29 bishii March ee sanadkaan.

Dhalinyarada maanta xoriyadooda helay ayaa intuba waxay yihiin dhalinyarada ka shaqeysata dhaqida baabuurta, kuwaas oo muddo ka badan 8 bilood ku xirnaa xabsiga dhexe ee magaalada Garowe.

Maxkamada gobolka Nugaal ayaa ku weyday wax dambi ah, waxayna go’aamisay in xoriyadooda loosoo celiyo sida uu HOL, u sheegay sarkaal katirsan laamaha amniga.

Maalinta berito ayaa sidoo kale la filayaa inay Puntland sii dayso labo qof oo kale oo iyagana lagu waayay wax dambi ah.

Madaxweynaha Puntland ayaa todobaadyo ka hor hay’addaha garsoorka u sheegay in aan xabsiyada lagu hayn karin cid aan dambi lahayn.

Dhawaan ayay ahayd markii sidaan oo kale la siidaayay 7 qof oo iyagana kiiskaan u xirnaa, kuwaas oo ay ku jireen macalimiin dugsi qur'aan.

Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
11/14/2020 4:30 PM EST
Sabti, November, 14, 2020 (HOL) - Ururka TPLF ee ka arrimiya degaanka Tigray ayaa sheegay inay iyagu fuliyeen duqaymihii habeenkii xalay ka dhacay magaalooyinka Bahirdar iyo Gonder ee degaanka Amhara.

11/14/2020 10:41 AM EST
Sabti, November, 14, 2020 (HOL) - Wasiirka Wasaarradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa si adag uga jawaabay eedeyn maalmihii ugu danbeeyay dowladda uga imaneysa xubnaha mucaaradka ah gaar ahaan musharixiinta doorashada 2020-21.

11/14/2020 8:34 AM EST
Sabti, November, 14, 2020 (HOL)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa is badal kooban ku sameeyay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir.

11/14/2020 4:21 AM EST
Sabti, November, 14, 2020 (HOL)- Laba qarax ayaa laga soo sheegayaan in ay ka kala dhaceen labo magaalo oo ka tirsan gobolka Amxaarada Itoobiya, kuwaas oo deris la ah gobolka waqooyiga ee Tigreey halkaas oo ay ciidamada federaalku kula dagaalamayaan xoogagga deegaanka ee Tigrayga..

11/14/2020 4:09 AM EST
Sabti, November, 14, 2020 (HOL)- Maalgashiga iyo kaalmada horumarineed ee Turkigu siiyo Soomaaliya ayaa saameyn ballaaran oo dhaqaale ku yeeshay Koboca dhaqaallaha iyo yareynta dhibaatooyinka shaqo la’aanta ay ka mid yihiin, sida uu sheegay wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

11/14/2020 1:12 AM EST
Sabti, November, 14, 2020 (HOL) - Guddomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman ayaa magacaabay guddiga loogu talagay in ay warbixin kasoo diyaariyaan sameynta Cudurka Covid-19.

11/14/2020 12:49 AM EST
Sabti November, 14, 2020 (HOL)- Itoobiya ayaa dib ugala baxeysa Soomaaliya kumanaan askari oo ka tirsan ciidamadooda la dagaalamaya Ururka Al-shabaab, iyaga oo ku biiraya dagaalka ka soconaya gobolka Tigreyga oo ah mid cirka isku sii shareeray,

11/14/2020 12:29 AM EST
Sabti, November, 14, 2020 (HOL) - Hay’adda Cilmibaarista Heritage ayaa qoraal dheer oo ay soo saartay ku talisay in la kala diro guddiga doorashooyinka heer Federaal ee loo saaray in ay ka shaqeeyaan doorashooyinka 2020-21ka, kuwaa oo muran badan uu ka dhashay.