4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 20, 2020
Midowga Yurub oo soo dhoweeyay dib u habaynta xeerka ciqaabta Soomaaliyeed ee madaxweyne Farmaajo uu balanqaaday
 

Arbaco, May 20, 2020 (HOL) - Midowga Yurub ayaa soo dhoweeyay hadalkii dhowaan ka soo yeeray Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ee ku aaddan dib-u-habeynta Xeerka Ciqaabta Soomaaliya ee soo baxay 1964.

Midowga Yurub ayaa sheegay dib-u-habayntani in ay noqon doonto tallaabo muhiim ah oo horay loo qaaday si loo ilaaliyo suxufiyiinta, kuwaas oo ay ku jiraan muwaadiniinta Soomaaliyeed, ee doonaya inay adeegsadaan xuquuqdooda aasaasiga ah ee xorriyatul qowlka iyagoon ka cabsi qabin aargudasho ama ciqaab dembi.

“Waxaan filaynaa in mas'uuliyiinta Soomaaliya ay raaci doonaan ku dhawaaqista Madaxweynaha iyagoo ka tanaasulaya dacwadaha dambiga ee lagu soo oogay Mukhtaar Maxamed Atosh ee oo katirsan VOA iyo Abdiasis Ahmed Gurbiye oo ka tirsan Goobjoog Media Group, kuwaas oo lagu sii daayay damiin laakiin wajahaya dambiyada lagu soo oogay,” ayaa lagu yidhi bayaan kasoo baxay midowga Yurub.

Sidoo kale, Midowga Yurub ayaa ka codsaday mas'uuliyiinta Somaliland inay si dhakhso ah oo shuruud la’aan ah ku sii daayaan wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo lagu eedeeyay inuu faafiyey dacaayad ka dhan ah madaxda Somaliland iyo faafinta wararka beenta ah.

Soomaaliya waa mid ka mid ah waddamada ugu halista badan xaga amniga weriyeyaasha, kuwaas oo 50 ka mid ah la dilay tobankii sano ee la soo dhaafay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]