Hiiraan Online
3/28/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Isniin, May 18, 2020
Wadamada Kenya, Itoobiya iyo Soomaaliya oo bilaabay baaritaan diyaaradii ku dhacday deegaanka Bardaale
Isniin, May 18, 2020 (HOL) - Guddi baaritaan oo ka socday dowladdaha Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya ayaa tagay magaalada Bardaale ee gobolka Bay, si ay u guda galaan baaritaanka diyaaradii kusoo dhacday agagaarka garoonka diyaaradaha Bardaale.
Guddigaan oo ka kooban Saddex Kenyaati ah oo ka socda wasaaradda duulista Kenya, hal qof oo Itoobiyaan ah iyo lix Soomaali ah oo uu wehliyo wasiirka gaadiidka Koonfur Galbeed.
Dowladda Kenya ayaa waxay ku hanjabtay inay tilaabo qaadayso haddii ay ku qanaci waydo baaritaanka sababtii ka dambeysay in lasoo rido mid kamid ah diyaaradaha laga leeyahay dalkeeda oo ku duulaysay hawada Soomaaliya.
Tilaabooyinka la filan karo ee Kenya ku hanjabayso ayaa ah in diyaaradaha ka diiwaan gashan dalkeeda ay ka joojiso inay u safraan dalka Soomaaliya, arintaas oo saameyn culus ku yeelanayso isku socodka labada dal iyo duulimaadyada gudaha dalka Soomaaliya, maadaama dayaaradaha ka duula gudaha Soomaaliya ay badankooda ka diiwaan-gashan yihiin dalka Kenya.
Waxaa kaloo xusid mudan in dhammaan diyaaradaha yimaada Soomaaliya ee sumadoodu tahay 5Y- ay ka diwaangashan yihiin dalka Kenya. Waana summadda u gaarka ah dalka Kenya.
Soomaaliya ayaan waqtigaan la joogo ogolaasho ka haysan hay'adda duulista adduunka ee ICAO in ay diiwaan galiso dayaaradaha. Dowladaha Kenya iyo Itoobiya ayaa awood u leh in ay diiraan galiyaan dayaaradaha ku sugan dalalkooda.
Ciidamada Ethiopia ee ku sugan gobolka Bay ayaa sheegtay inay diyaaradaas iyagu soo rideen kadib markii ay uga shakiyeen inay tahay diyaarad ismiidaamin damacsanayd, sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday midowga Afrika.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]
Axmed Madoobe oo ka qeyb-galay shir ay soo qabanqaabisay Qaramada Midoobay
5/18/2020 9:30 AM EST
Isniin, May 18, 2020 (HOL) -Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa ka qaybgalay shir ay soo qaban qaabisay Qaramada Midoobay kaa oo looga hadlay arrimo ay kamid yihiin xaaladaha dalka guud ee dalka, arrimaha doorashooyinka iyo caqabadaha hortaagan.
Wasiirka Kaluumaysiga Dawlada Federaalka iyo wefti uu hogaaminayo oo gaadhey Buuhoodle iyo xaalad ka taagan
5/18/2020 6:06 AM EST
Isniin, May 18, 2020 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga Soomaaliya Cabdilaahi Bidhaan Warsame iyo weftigiisa ayaa si diiran loogu soo dhoweeyey Garoonka diyaaradaha ee Buuhoodle.
Ayax fara ba'an ku haya degaanadii roobab ku helaan iyo xaalad roob la'aaneed oo degaanada qaar ka taagan
5/18/2020 1:43 AM EST
Isniin, May 18, 2020 (HOL) - Iyadoo uu haatan gabagabo yahay xili roobaadkii Gu'ga ayaa laga dayrinayaa degaano badan oo ka mid ah gobolka Sool iyadoo ay jiraan duulaamo ayax ah oo ku habsadey dhul daaqsimeedkii biyo gu ku hooreen intoodii badnayd.
Al-Shabaab oo u yeeray in ka badan 70 milkiilayaasha ganacsiyada Muqdisho si ay canshuur uga qaataan
5/18/2020 1:18 AM EST
Isniin, May 18, 2020 (HOL) - In ka badan 70 maamulayaal ganacsi oo Muqdisho fadhigoodu yahay ayaa looga yeeray degaanada Shabaabku maamulaan, ilo xog-ogaal u ah amniga ayaa u sheegay warbaahinta Horn Observer.
Puntland iyo Somaliland oo xayiraadii ka qaaday Qaadka imaan jiray degaanadooda
5/18/2020 1:12 AM EST
Isniin, May 18, 2020 (HOL) - Puntland iyo Somaliland ayaa ku dhawaaqay inay xayiraadii ganacsi ka qaadeen Qaadka ka imaan jiray dalka Ethiopia, kadib markii labadaas maamul ay horey u joojiyeen.
Somali News
Huge FGM rise recorded in Somalia during coronavirus lockdown
-
The Guardian
5/18/2020 5:08 PM EST
Somalia’s coronavirus lockdown has led to a huge increase in female genital mutilation (FGM), with circumcisers going door to door offering to cut girls stuck at home during the pandemic, according to Plan International.
Official: Libya's Tripoli forces take key base from rivals
-
AP
5/18/2020 4:12 PM EST
CAIRO (AP) - Forces allied with Libya's U.N.-supported government said Monday they have wrested control of a key military base on the outskirts of the country's capital from their rivals trying to capture Tripoli.
UN: Close to a million people in central Somalia hit by floods
-
AP
5/18/2020 3:07 PM EST
Flooding in central Somalia has affected nearly 1 million people, displacing about 400,000 people, the United Nations said Monday, warning of possible disease outbreaks because of crowding where the displaced are seeking temporary shelter.
Somaliland, Puntland lift khat import ban, relax COVID-19 restrictions
-
HOL
5/18/2020 7:42 AM EST
HARGEISA (HOL) - Puntland and Somaliland have lifted the ban on import of the leafy stimulant khat following a month-long suspension of trade in the product.
Somali, Kenyan and Ethiopian investigators start probe on Berdale crash
-
HOL
5/18/2020 5:51 AM EST
MOGADISHU (HOL) - Aviation investigators from Somalia, Kenya and Ethiopia have kicked off the joint probe into the circumstances surrounding the downing of a Kenyan registered aircraft by Ethiopian troops early this month.
Gulf social media reacts to reports on Qatar links in al-Shabaab hostage release
-
Alarabiya
5/18/2020 5:23 AM EST
Users in the Arab Gulf region reacted to the reports of Qatari involvement in the recent hostage release of Italian volunteer Silvia Romano after her captivity by al-Shabaab, pointing to Doha’s track record of facilitating finance of terror groups.
Coronavirus: Tanzania President Magufuli says hospital numbers reducing
-
BBC
5/18/2020 12:46 AM EST
There has been a "sharp decline" in the number of coronavirus patients in Tanzania's hospitals, the president said, four days after the US embassy in the country reported that many hospitals had been "overwhelmed".
Egypt-Ethiopia dispute over giant Nile dam reaches critical point
-
The National
5/18/2020 12:36 AM EST
Addis Ababa intends to start filling reservoir in July despite lack of agreement from Egypt and Sudan
Kenyan soldiers kill 5 al Shabaab militants following attack on SSF camp in Somalia
-
CGTN
5/18/2020 12:30 AM EST
Kenya Defence Forces soldiers on Saturday killed five al Shabaab militants during a foiled attack on Somali Security Forces (SSF) stationed in Bilis Qooqani.
EU commits €105 million to Horn of Africa relief
-
Africa Times
5/18/2020 12:28 AM EST
The European Union has announced €105.5 million in aid to Horn of Africa nations facing not just the coronavirus pandemic but also ongoing conflict,
Emirates plans to cut about 30,000 jobs amid virus outbreak
-
Reuters
5/18/2020 12:25 AM EST
Emirates Group is planning to cut about 30,000 jobs to reduce costs amid the coronavirus outbreak, which will bring down its number of employees by about 30% from more than 105,000 at the end of March, Bloomberg News reported on Sunday.