3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 18, 2020
Ayax fara ba'an ku haya degaanadii roobab ku helaan iyo xaalad roob la'aaneed oo degaanada qaar ka taagan
 

Isniin, May 18, 2020 (HOL) - Iyadoo uu haatan gabagabo yahay xili roobaadkii Gu'ga ayaa laga dayrinayaa degaano badan oo ka mid ah gobolka Sool iyadoo ay jiraan duulaamo ayax ah oo ku habsadey dhul daaqsimeedkii biyo gu ku hooreen intoodii badnayd.

Degmada Taleex oo u badan dooxooyin dalsan ah xiliga ay doogsadaan ayaa la sheegayaa in ayax ku habsadey kaas oo isugu jira mid yaryar iyo mid waaweynba.

Cabdikariin Axmed Diiriye oo ku sugan magaalada Taleex ayaa HOL u sheegay in ayaxani sidii roobabku u bilaabmeen uu marba marka ka danbaysa uu sii xoogaysanayey, waxaanu gaadhey buu yidhi in ay xoolihii geli kariwaayaan dooxooyinka oo uu uga awood roonaado.

"Maaha ayaxan mid u soconaya sidii ayixii hore ee geediga ahaa, balse waa mid meeraysanaya oo marba jiho ka imaanaya" ayuu yidhi Cabdikariin waxaanu intaas raaciyey in roobyaraan iyo Ayaxan hadii ay isbiirsadaan ay noqon karto aafo.

Sidoo kale Maxamed Jaamac Mahad oo ku sugan degmada Xudun ayaa waxa uu sheegay in hadal haynta ugu badan ee degaanka taalaa ay tahay Ayaxa, mana jirto qaab ay dadku ula dagaalami karaan ayuu yidhi.

Degmada Laascaanood ayaa laf ahaanteeda degaano badan lagu sheegay waxaadse moodaa in ay weli ka ladan yihiin degaanada kale walow ay qabaan cabsi ah in geedi horleh ku yimaado oo ayaxa ah.

Dhinaca kale waxaa la sheegayaa degaano badan oo aan weli roob heli taas oo sababtay geedi iyo hayaan is dabamaray, waxaana la arkayaa gaadiid reero wada oo u socda bari iyo kuwo bari ka yimi oo galbeed ku jeeda taasina badanaa waxaa la sheegayaa in ay dhacdo marka roobku googooska yahay.

Si kastaba ha ahaatee xaalada saadaasha ayaan wanaagsanayn iyadoo dadka xidigiska yaqaan ay sheegeen in badanaa degaanadan sano Arbacaad aan la mahadin hadana weli ta Alle waa meesheeda biyo gu'na xiligii loo bartay labaatameeyo habeen ayaa baaqi ah.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood












Click here
5/18/2020 9:30 AM EST
Isniin, May 18, 2020 (HOL) -Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa ka qaybgalay shir ay soo qaban qaabisay Qaramada Midoobay kaa oo looga hadlay arrimo ay kamid yihiin xaaladaha dalka guud ee dalka, arrimaha doorashooyinka iyo caqabadaha hortaagan.

5/18/2020 6:06 AM EST
Isniin, May 18, 2020 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga Soomaaliya Cabdilaahi Bidhaan Warsame iyo weftigiisa ayaa si diiran loogu soo dhoweeyey Garoonka diyaaradaha ee Buuhoodle.

5/18/2020 5:52 AM EST
Isniin, May 18, 2020 (HOL) - Guddi baaritaan oo ka socday dowladdaha Soomaaliya, Kenya iyo Ethiopia ayaa tagay magaalada Bardaale ee gobolka Bay, si ay u guda galaan baaritaanka diyaaradii kusoo dhacday agagaarka garoonka diyaaradaha Bardaale.

5/18/2020 1:18 AM EST
Isniin, May 18, 2020 (HOL) - In ka badan 70 maamulayaal ganacsi oo Muqdisho fadhigoodu yahay ayaa looga yeeray degaanada Shabaabku maamulaan, ilo xog-ogaal u ah amniga ayaa u sheegay warbaahinta Horn Observer.

5/18/2020 1:12 AM EST
Isniin, May 18, 2020 (HOL) - Puntland iyo Somaliland ayaa ku dhawaaqay inay xayiraadii ganacsi ka qaadeen Qaadka ka imaan jiray dalka Ethiopia, kadib markii labadaas maamul ay horey u joojiyeen.