3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 25, 2020
Ethiopia oo xabsiyada kasiidaysay afar kun oo maxaabiis ah
 

Arbaco, Maarso, 25, 2020 (HOL)- Dowladda Ethiopia ayaa siideysay in kabadan 4,000 oo maxaabiis ah si ay uga hortagaan faafida coronavirus ee xabsiyada dadku ku badanyihiin, warbaahinta dowlada ayaa werisay.

Dhinaca kale, dowladda Ethiopia ayaa ku amartay shaqaalaha wadanka in ay kusugnaadaan guryahooda taas oo qeyb ka ah dadaalada lagu xakameynayo faafitaanka cudurka.

Kulan aan caadi ahayn oo dhacay Talaadadii shalay, golaha wasiirradu waxay ku meel mariyeen go'aanka ah in shaqaalaha dawladda ay ku shaqeyn doonaan guryahooda laga bilaabo Maarso 25, 2020, illaa ogeysiis dambe.

Itoobiya waxay xaqiijisay hal kiis oo kale oo ah coronavirus (COVID-19), taasoo ka dhigeysa tirada guud ee dadka cudurkaasi ku dhacay 12 qof.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
3/25/2020 4:23 PM EST
Arbaco, Maarso, 25, 2020 (HOL)- Hay'adda Lacagta Adduunka (IMF) iyo Ururka Horumarinta Caalamiga ee Bangiga Adduunka ayaa go'aamiyay in Soomaaliya ay qaaday tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si ay u bilowdo helitaanka deyn hoos imaaneysa Kobcinta Waddamada ku jira saboolminada aadka uliitada.

3/25/2020 10:34 AM EST
Arbaco, Maarso, 25, 2020 (HOL)- Dalka Sweden, 50% dadka u geeriyooday cudurka Coronavirus ayaa noqday Soomaalida dalkaas ku nool, sida uu sheegay Yassin Abdullahi, oo kamid ah dadka waqtiga dheer ku nool dalkaas kuna jira siyaasadda waddankaas.

3/25/2020 9:54 AM EST
Arbaco, Maarso, 25, 2020 (HOL)- Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir,Saalax Dheere ayaa warbahinta u sheegay in qof isisoo miidaamiyay uu isku qarxiyay agagaarka Baar-Bulsho ee Degmada Howlwadaag gaar ahaan suuq yaraha Sayidka.

3/25/2020 8:29 AM EST
Arbaco, Maarso, 25, 2020 (HOL)- Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay, kuwa kalena way ku dhaawacmeen Qarax goor dhowayd ka dhacay nawaaxiga taalada Sayidka ee magaalada Muqdisho.

3/25/2020 6:13 AM EST
Arbaco, Maarso, 25, 2020 (HOL)- Wasiirka Difaaca ee dalka Suudaan, Gamal Omer ayaa ku dhintay magaalada Juba ee caasimadda Koonfurta Suudaan Arbacada maanta, sida ay sheegeen mas'uuliyiinta Suudaan.

3/25/2020 2:46 AM EST
Arbaco, Maarso, 25, 2020 (HOL)- Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni , ayaa safar aan la shaacin wuxuu muddo todobaad ku dhow ku joogaa magaalada xeebeedka qadiimiga ee Eyl ee kutaala badweynta Hindia.