3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 25, 2020
Madaxweyne Deni oo muddo todobaad ku dhow safar aan la shaacin ku jooga degmada taariikhiga ee Eyl
 

Arbaco, Maarso, 25, 2020 (HOL)- Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni , ayaa safar aan la shaacin wuxuu muddo todobaad ku dhow ku joogaa magaalada xeebeedka qadiimiga ee Eyl ee kutaala badweynta Hindia.

Madaxweyne Deni, ma jirto cid katirsan golayaasha maamulkiisa iyo warbaahinta madaxtooyada oo ku wehliya socdaalkiisa, taasoo keentay inay yaraato xogta iyo macluumaadka socdaalkiisa ku saabsan.

Xogta aan helayno waxay sheegaysaa in madaxweyne Deni halkaas uu ku joogo safar dalxiis ah oo uu kaga nasanayo arrimaha siyaasada sidoo kalena uu isku diyaarinayo safar dheer oo uu ku tagidoono Muqdisho iyo caasimaddaha dowlad goboleedyada isagoo u gogol xaaraya gogol dib u heshiineed uu dhigay Garowe.

Qof katirsan dadka Eyl ku sugan oo la hadlay HOL, ayaa u sheegay in madaxweynuhu halkaas kula kulmay maraakiib dagaal oo ay leeyihiin ciidamada Nato ee xeebaha Soomaaliya u jooga la dagaalanka burcadbadeeda.

Kulankaas HOL, wax xog ah oo dheeraad ah kama helin, hase yeeshee waxaa horey u jirtay in dadka ku dhaqanka xeebaha Puntland ay ka cabanayeen in maraakiibta shisheeye ay xaaluf ba’an ku hayeen kheyraadka badda.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
3/25/2020 4:23 PM EST
Arbaco, Maarso, 25, 2020 (HOL)- Hay'adda Lacagta Adduunka (IMF) iyo Ururka Horumarinta Caalamiga ee Bangiga Adduunka ayaa go'aamiyay in Soomaaliya ay qaaday tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si ay u bilowdo helitaanka deyn hoos imaaneysa Kobcinta Waddamada ku jira saboolminada aadka uliitada.

3/25/2020 10:34 AM EST
Arbaco, Maarso, 25, 2020 (HOL)- Dalka Sweden, 50% dadka u geeriyooday cudurka Coronavirus ayaa noqday Soomaalida dalkaas ku nool, sida uu sheegay Yassin Abdullahi, oo kamid ah dadka waqtiga dheer ku nool dalkaas kuna jira siyaasadda waddankaas.

3/25/2020 9:54 AM EST
Arbaco, Maarso, 25, 2020 (HOL)- Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir,Saalax Dheere ayaa warbahinta u sheegay in qof isisoo miidaamiyay uu isku qarxiyay agagaarka Baar-Bulsho ee Degmada Howlwadaag gaar ahaan suuq yaraha Sayidka.

3/25/2020 8:29 AM EST
Arbaco, Maarso, 25, 2020 (HOL)- Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay, kuwa kalena way ku dhaawacmeen Qarax goor dhowayd ka dhacay nawaaxiga taalada Sayidka ee magaalada Muqdisho.

3/25/2020 6:13 AM EST
Arbaco, Maarso, 25, 2020 (HOL)- Wasiirka Difaaca ee dalka Suudaan, Gamal Omer ayaa ku dhintay magaalada Juba ee caasimadda Koonfurta Suudaan Arbacada maanta, sida ay sheegeen mas'uuliyiinta Suudaan.

3/25/2020 6:10 AM EST
Arbaco, Maarso, 25, 2020 (HOL)- Dowladda Ethiopia ayaa siideysay in kabadan 4,000 oo maxaabiis ah si ay uga hortagaan faafida coronavirus ee xabsiyada dadku ku badanyihiin, warbaahinta dowlada ayaa werisay.