Talaado, Maarso, 24, 2020 (HOL )– Gudoomiyaha xisbiga UCID Eng;Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in la joojiyo duulimaadyada ka imanaya dalalka uu ka dhacay cudurka Covid19,isla markaana aanu ficil inoo keenin cudurkaasi halista badan.
Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo ka hadlaya cudurkan halista badan leh ee Covid19 waxa uu yidhi “waxa la moodaa in qiiyaamihii dhacay oo dadkii kala cararayaan, cudurkaasi Corona virus waa mid halis ah, hay’adaheena caafimaadkuna waa kuwii aan korin ee aynu ugu liidano, marka dadaal badan baa loo baahan yahay sidii la iskaga ilaalin lahaa ama looga hortagi lahaa”.
Gudoomiye Faysal waxa uu soo jeediyey in la joojiyo diyaaradaha Itoobiya ee dalka imanaya, waxaanu yidhi “Itoobiya waxa inooga yimaada qaadka, xashiishada, qamriga hadii cudurkana inoogu darsamo reer Somaliland waa hoogoodda ilaahay ha inaga badbaadiyee, waxaanu leenahay dawladda maadaama oo la sheegay in cudurkani 14 cisho ka bacdi soo ifbaxayo oo duulimaadyadii Itoobiyana inoo furan yahay oo meel kasta ka keenaysa dadka, waa in laba arimood la sameeya, in dadka ay sido 14 cisho la karatimeeyo sida aduunka kale u karatimeeyeen ama in flights la joojiyaa.”
“Hadi duulimaadyada joojino ciyaalka Xamar jooga may joojine cudurka joojiyey oo inaga iska joojinay, marka yaanu ficilku ina sii qaadin oo aanu cudur inoo keenin.”ayuu sii raaciyey hadalkiisa.
Sidoo kale, waxa uu madaxweynaha ku taageeray in golaha wakiilada la iskugu yeedho si loo ansixiyo labadda xubnood ee guddida doorashooyinka ee xisbiyada mucaaradku usoo gudbiyeen, taas oo uu tilmaamay mid muujinaysa in doorasho dalka ka qabsoomayso sanadkan gudihiisa.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]Hargeysa, Somaliland.