3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 23, 2020
Diyaarad laba cisho dul wareegaysay gobolada Sool iyo Sanaag
 

Isniin, Maarso, 23,   2020  (HOL )– Diyaarad yar oo ka timid xaga Jabuuti ayaa maanta oo Isniin ah  iyo khamiistii dul wareegaysay gobolka Sanaag iyo Sool, taas mararka qaarkood joog hoose ku duulaysa.

Diyaaradan oo u muuqatay mid sahan ah ayaa maalmahan dambe dul heehaabaysay gobolada Sool iyo Sanaag, taas oo aan wali la aqoonsan dalka ay diwaangashan tahay.

Diyaaradan ayaa magaceedu yahay Beech 350 Super King Air, Flight Radarkeedu ma sheegayo meesha ay ka timid iyo meesha ay ku socoto iyo wadanka ay ka diwaangashan tahayba.

Maanta oo sabti ah abaaro tobankii iyo badhkii subaxnimo ayey joog hoose ku dul maraysay goboladan bariga, taas oo aan wali la garan ujeedadeedda.

Illaa hadda kama hadal xukuumadda Somaliland.

Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.












Click here
3/23/2020 8:34 AM EST
Isniin, Maarso, 23, 2020 (HOL)- Safaaradda Soomaaliya ee Kenya ayaa waxay sheegtay inay joojinayso dhammaan shaqooyinkii ay u haysay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya.

3/23/2020 8:06 AM EST
Isniin, Maarso, 23, 2020 (HOL)- Puntland ayaa amar ku bixisay in la xiro masaajidda muddo 2 usbuuc ah si looga digtoonaado halista Caronavirus.

3/23/2020 5:18 AM EST
Isniin, Maarso, 23, 2020 (HOL)- Ciidamada Amniga Puntland PSF ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen shakhsiyaad lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish iyo agab la doonayey in loo gudbiyo kooxahaas ku dhuumaalaysta buuraha Cal Madow iyo Cal Miskaat.

3/23/2020 5:05 AM EST
Isniin, Maarso, 23, 2020 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ku raadjoogta dad looga shakiyay inay la kulmeen qofkii ugu horreeyay ee la xaqiijiyay in uu ku dhacay cudurka Corona gudaha dalka.

3/23/2020 3:53 AM EST
Isniin, Maarso, 23, 2020 (HOL)- Raysal Wasaaraha dalka Germany Angela Merkel ayaa gashay is-karantiilnimo, iyadoo sababtuna tahay xiriir hore oo ay la yeelatay dhakhtar laga helay cudurka coronavirus.