3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 23, 2020
Puntland oo sheegtay inay gacanta ku dhigtay shakhisyaad lagu tuhunsan yahay inay katirsan yihiin Al-shabaab iyo Daacish

Isniin, Maarso, 23, 2020 (HOL)- Ciidamada Amniga Puntland PSF ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen shakhsiyaad lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish iyo agab la doonayey in loo gudbiyo kooxahaas ku dhuumaalaysta buuraha Cal Madow iyo Cal Miskaat.

Qoraal kasoo baxay taliska ciiddanka PSF, ayaa lagu sheegay in tuhmanayaashaan lagu qabtay howlgallo xalay laga fuliyay magaaladda Bosaso oo lagu adkaynayo amniga.

Maalmo kahor ayaa magaaladda Bosaso lagu dilay masuul katirsanaa wasaaradda maaliyadda Puntland, iyadoo dilkaas ay sheegteen ururka Al-shabaab.

Dhinaca kale, Al-shabaab ayaa saakay sheegtay inay ka dambeeyeen dil xalay magaalada Gaalkacyo loogu geystay xildhibaan katirsanaa golaha degaanka Gaalkacyo oo lagu magacaabi jiray Mukhtaar Axmed Cumar.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee dhinaca Puntland Axmed Muuse Nuur, ayaa sheegay dilka xildhibaanka inay fuliyeen labo nin oo bistoolado ku hubaysanaa.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
3/23/2020 12:27 PM EST
Isniin, Maarso, 23, 2020 (HOL )– Diyaarad yar oo ka timid xaga Jabuuti ayaa maanta oo Isniin ah iyo khamiistii dul wareegaysay gobolka Sanaag iyo Sool, taas mararka qaarkood joog hoose ku duulaysa.

3/23/2020 8:34 AM EST
Isniin, Maarso, 23, 2020 (HOL)- Safaaradda Soomaaliya ee Kenya ayaa waxay sheegtay inay joojinayso dhammaan shaqooyinkii ay u haysay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya.

3/23/2020 8:06 AM EST
Isniin, Maarso, 23, 2020 (HOL)- Puntland ayaa amar ku bixisay in la xiro masaajidda muddo 2 usbuuc ah si looga digtoonaado halista Caronavirus.

3/23/2020 5:05 AM EST
Isniin, Maarso, 23, 2020 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ku raadjoogta dad looga shakiyay inay la kulmeen qofkii ugu horreeyay ee la xaqiijiyay in uu ku dhacay cudurka Corona gudaha dalka.

3/23/2020 3:53 AM EST
Isniin, Maarso, 23, 2020 (HOL)- Raysal Wasaaraha dalka Germany Angela Merkel ayaa gashay is-karantiilnimo, iyadoo sababtuna tahay xiriir hore oo ay la yeelatay dhakhtar laga helay cudurka coronavirus.