3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 22, 2020
Shirkadda Alibaba group oo ethiopia gaarsiisay qalabka caafimaadka xilli uu cudurka gaaray 11 kiis

Axad, Maarso, 22, 2020 (HOL)- Wasaaradda Caafimaadka ee Itoobiya ayaa Axadii maanta shaaca ka qaaday inay xaqiijisay laba kiis oo kale oo ah COVID-19, taas oo tirada guud ee kiisaska ka dhigtay 11.

Dhinaca kale, Diyaarad xamuul ah oo siday 6 milyan oo shey oo qalabka caafimaad ah oo ay ka mid yihiin wajiga gashiga (Maaskaro), qalabka difaaca, iyo xirmooyinka baaritaanka ayaa gaadhay Ethiopia.

Raysal Wasaaraha Ethiopia. Aby Ahmed ayaa uga mahad celiyay qalabkaan caafimaad oo ay ugu deeqday shirkadda ganacsiga internetka ee la yiraahdo AlibabaGroup.

Shirkadda Alibaba oo laga leeyahay dalka shiinaha ayaa wadamada Afrika ee uu saameeyay cudurka Coranavirus u qeybindoonta malaayiin kamid ah qalabka caafimaadka ee ka hortagga cudurka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
3/22/2020 6:57 PM EST
Axad, Maarso 22, 2020 - Wararka ka imanaya magaalada Afgooye ayaa sheegaya in qarax maanta ka dhacay agagaarka deegaanka Lafoole lagu dilay taliyihii booliiska ee magaalada Afgooye.

3/22/2020 5:35 PM EST
Axad, Maarso, 22, 2020 (HOL)- Dabley hubaysan oo aan haybtooda la garanayn, ayaa goor dhowayd oo caawo ah magaalada Gaalkacyo ku dilay allaha unaxariistee Mukhtaar Ahmed Omar Tinle, oo kamid ahaa xildhibaanada golaha degaanka Gaalkacyo ee dhinaca Puntland iyo qof kale oo shacab ah.

3/22/2020 9:26 AM EST
Axad, Maarso, 22, 2020 (HOL)- Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni, ayaa sheegay in ujeedo gaar ah laga leeyahay hadal guddiga Doorashada DFS kasoo yeeray oo ku saabsanaa arrimaha doorashooyinka.

3/22/2020 5:24 AM EST
Axad, Maarso, 22, 2020 (HOL)- Ugu yaraan 194 qof ayaa ku dhimatay dalka Iran, iyadoo in kabadana 1,000 qofna xaaladooda caafimaad lala tacaalayaa ilaa 6-dii Maarso, kadib markii ay ku sumoobeen cabidda khamriga loo yaqaano bootleg alcohol.

3/22/2020 5:13 AM EST
Axad, Maarso, 22, 2020 (HOL)- Guddiga Caafimaadka Shiinaha ayaa sheegay in aan saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay laga helin dalkooda kiisas cusub oo ku saabsan COVID-19.

3/22/2020 2:44 AM EST
Axad, Maarso, 22, 2020 (HOL)-Kaddib howlgal ciidamada dowladda Soomaaliy ay ka sameeyeen degmada Janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose oo dhawaan ay la wareegeen ayeey sheegeen in ay ku qabteen sarkaal ka tirsan Ururka Al-shabaab