3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 20, 2020
Wafdigii dowladda ee ka qeyb galay shirkii Garowe oo ka hor yimid qodobo kamida war murtiyeedkii shirka
 

Jimco, Maarso, 20, 2020 ((HOL)- Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya, Ambassador Axmed Ciise Cawad, oo ku hadlayay magaca wafuudii dowladda federalka uga qeyb galay shirkii wadatashiga Puntland, ayaa sheegay inay kasoo horjeedaan qodobo kamid ah war murtiyeedkii shirka lagasoo saaray.

Shir jaraa’id oo uu wasiirku ku qabtay Garowe, isagoo ay hareer fadhiyeen wafdiga dowladda federalka wuxuu caddeeyay in qodobada qaarkood loogu gafay dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada qeyb kamid ah.

‘Waxaan rabnaa inaan halkaan ka caddeyno inaan diidanahay ereyadii xanafta lahaa ee warmurtiyeedka ku jiray ee loo geystay dowlad goboleedyada qaarkood, kuwaas oo aan qeyb ka ahayd doodihii shirka,’ ayuu yidhi wasiir Cawad.  

Wasiirka arrimaha dibada wuxu sheegay inay sidoo kale diidan yihiin war murtiyeedka qeybta ku saabsan dowladda federalka oo uu tilmaamay in aysan ka turjumayn hadal jeedintii iyo doodihii shirka.

Dhinaca kale, wasiirka iyo wafdigiisa ayaa soo dhoweeyay safarka madaxweyne Deni uu ku tagayo Muqdisho iyagoo sheegay inay filayaan in lagusoo afmeero khilaafka dowladda federalka iyo maamulka Puntland.

Madaxweynaha Puntland iyo wafuuda dowladda federalka ayaa shirkii wadatashiga kadib yeeshay kulan gaar ah oo ka dhashay kadib markii masuuliyiinta dowladda ay ka xumaadeen in war murtiyeedka lagusoo daray qodobo aysan iyagu waxba kala socon sida ay sheegeen.

Maalinta berito ah ayaa la filayaa in madaxweyne Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ay Garowe iska racaan wafuuda federalka iyagoo ku wajahan magaaladda Muqdisho.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
3/20/2020 9:30 AM EST
Jimco, Maarso, 20, 2020 ((HOL)- Diyaarad nuuca dagaalka ah oo Mareykan ah oo bartilmaameedsatay mintidiinta Al-shabaab ee Soomaaliya ayaa todobaadkii hore dishay wiil yar iyo nin da ’ah. Ehelka dadka dhintay ayaa warkaan u sheegay The Intercept.

3/20/2020 9:26 AM EST
Jimco, Maarso, 20, 2020 ((HOL)- Maalintii labaad, waxaa si rasmi ah Soomaaliya oo idil uga dhaqan galay go’aan dowladda Soomaaliya ku joojisay duulimaadyada caalamiga ah ee Soomaaliya, sababo la xidhiidha ka hortagga faafitaanka cudurka Coranavirus.

3/20/2020 9:26 AM EST
Jimco, Maarso, 20, 2020 ((HOL)- Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha JFS Cabdullaahi Cali Xasan, ayaa maanta ka hadlay saameynta uu xanuunka Coronavirus(COVID-19) ku yeeshay Ganacsiga Soomaaliya, waxaana uu carabka ku dhuftay in cudurkaasi aanu illaa hadda saameyn xoog ah ku yeelanin Ganacsiga wadanka balse ay jiraan waxyaabo yar yar oo ay ka mid yihiin waxyaabaha lagu nadiifiyo gacmaha oo qiimahoodu sare u kacay.

3/20/2020 4:05 AM EST
Jimco, Maarso, 20, 2020 ((HOL)-Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa wareegto uu saaray xilalkii ugu qaaday qaar ka mid ah golihiisa Wasiirrada isaga oo dhan kalana magacaabay Wasiirro cusub.