3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 19, 2020
Soomaaliya: Shaqaalaha dowladda ee xaadiraya xafiisyada oo loo dhimay faafida fayruska COVID- 19

Khamiis, Maarso, 19, 2020 (HOL)- Dowladda Soomaaliya oo la tacaaleysa inuu faafo fayruska sida daran ugu faafaya dunidda ee COVID- 19, ayaa dhintay shaqaalaha dowladda ee xaadiraya xafiisyada.

Warqad ka soo baxday wasaaradda Shaqada ayaa lagu sheegay inay xafiisyada tagi doonaan maamulka iyo howlwadeennada aan looga maarmin, halka kuwa kalana ay ku shaqeyn doonaan guryahoodda.

Shaqaalaha caafimaadka iyo howlwadeennada ku howlan la-dagaallanka fayruska ayaa iyagu aan la dhimin , si baa la yiri kor loogu qaado inuusan fayruska ku faafin dalka.  Go’aankan ayaa ku soo aaddaya maalmo ka dib markii wasaaradda caafimaadka ay xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay ee dalka gudihiisa ee COVID- 19.


Iman Jama, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
3/19/2020 10:58 AM EST
Khamiis, Maarso, 19, 2020 (HOL )– Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay inay talaabo ka qaadi doonaan ganacsatada iskudayda inay qaali gareeyaan raashinka si ay uga faa’iidaystaan cabsida laga qabo cudurka Corona Virus.

3/19/2020 9:47 AM EST
Khamiis, Maarso, 19, 2020 (HOL)- Wasaaradda waxbarashada Puntland ayaa si kumeel gaar ah hakisay howlaha waxbarashada muddo labo asbuuc ah oo ka bilaan doonta maalinka Sabtida oo taariikhdu ku beegan tahay 21ka Maarso 2020 kuna eg Jimcaha 3da Abril 2020.

3/19/2020 8:27 AM EST
Khamiis, Maarso, 19, 2020 (HOL)- Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in isaga iyo wafdi uu hogaaminayo ay tagi doonaan magaalada muqdisho iyo caasimadaha dowlad gobaleedyada.

3/19/2020 7:32 AM EST
Khamiis, Maarso, 19, 2020 (HOL)-Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee midowga Yurub Cali Saciid Fiqi ayaa maanta ka soo muuqday Liiska xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo maanta lagu dhawaaqay.

3/19/2020 4:18 AM EST
Khamiis, Maarso, 19, 2020 (HOL)- Guddiga kumeel gaarka ah ee doorashadooyinka Puntland, ayaa maanta oo khamiis ah soo bandhigay 17 urur siyaasadeed oo si rasmi ah iskaga diiwaan galiyay guddiga doorashooyinka, saddexdii bilood ee ay furmayd furashada ururada siyaasada, iyadoo ku ekayd 15-march.

3/19/2020 3:14 AM EST
Khamiis, Maarso, 19, 2020 (HOL)- Miinooyin ayaa lagu burburiyay afar kamid ah kaamirooyinkii hay’adda ammaanku ku xireen isgoysyada muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, si loola socda dhaqdhaqaqa amniga ee waddooyinkaas.

3/19/2020 2:53 AM EST
Khamiis, Maarso, 19, 2020 (HOL)-Waxaa maanta si rasmi ah u dhaqangalaya go'aankii dowladda Soomaaliya ay ka qaadatay duulimaadyada caalamiga ee iman jiray dalka Soomaaliya, kaddib faafitaanka cudurka Coronavirus oo qeyb ahaan laga helay dalalka dariska la ah Soomaaliya.